Maxa hortagan ka fa,idaysiga khayraadka buuraha sibidhka berbera

0

In Laga faa,iidaysto khayraadka  ku duugan dhulka  waa muhiim, Dal kastana wuxuu ku horo maraa  wuxuu kala soo baxo kaydka khayradka ku jira gudihiisa, Hadaba 15 sano ee u danbeeyay waxaa suuroobi wayday in laga fa,iidaysto Buuraha Sibidhka  ceegaaga ee  berbera  duleedkeeda, waana nasiib daro in sibidh sanad walba ay inagaga baxdo malaayiin doolar oo aynu debada ka keensano,

Waxaase iswaydiin leh maxaa hortaagan  in lala soo baxo khayraadka dhulka dushiisa yaala ee aan u baahnayn tacab badan  

Dad badan ayaa aaminsan in dadka degaanku ay hor taagan yihiin qaar kalena waxy aaminsanyihiin in xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray illaa ta iminka joogta aanay udiyaar garoobin in ay ka shaqeeyaan sidii looga faa,iidaysan lahaa  buuraha sibidhka ee berbera,

Aan ku horeeyo dadka degaanka saaxil  waxay mar walba udiyaar yihiin in  dal ahaan laga faa,iidayto sibidhkaa  ama dawladi ha yeelato ama ganacsadto shuraako,ahi ha yeeshan maalgalinta e, waxaase ay diidan yihiin fikirkayga markaan in badan daraaasad ku sameeyay in hal shirkad oo qof kali ahi leeyahay loo gacan galiyo buuraha sibidhka berbera  waayo waxay la mid tahay uun iyadoo ceel batroola  ama macdanta dalka cid loo xidho,

Waxaan dib idiin xasuusinayaa markii madaxwayne  axmed maxamed maxamuud siilanyo talada dalka ku guulaystay sanadkii ugu horeeyayba  muran ayaa ka dhashay  sidii loo isticmaali laha sibidhka berbera ee loo malgashan lahaa waxaa dhacday in mulkiilaha  shirkada dahabshiil  uu waraaqo usamystay  buurta sibidhka berbera oo sidii baloodh dawlada hoose bixisay la yidhi buurahaa  waxaa sharci u haysta  mulkiilaha shirkada dahabshiil, Arinka buuq wayn ayaa  ka dhashay  aakhirkiina  kaabadihii uu dhigtay waalasoo burburiyay oo xukuumadii Axmed siilanyo way ka noqotay qaladkii ay samaysay,

Dabcan Nasiib daro  dhowrjeer oo ganacsato isku tagytay oo dahabshiilna qayb ka ahaa  ay hindistay kicinta warshada ama warshad cusub may hirgalin oo caqabado saamiga ah iyo faro galinta xukuumadahaa Somaliland ka jiray ayaa sababay in waxba dhaqaaqi waayaan,

Labadii sano ee u danbaysay rajo wanagsan ayaa dhalatay oo dib ayay isku ababuleen ganacsato ka kooban Somaliland  oo dhan  waxaanay ururiyeen lacag  saamiga qofka galaya uu yahay $60,000 oo doolar waxaana laysku keenay lacag dhowr iyo toban milyan ah oo fure u noqonaya hirgalinta hamigii aha in hawsha la dhaqajiyo oo ganacsatada wawayn ee dalkuna kusoo dhiiradan oo ay qayb ka noqda,

   intaa kadib daraasadii ayaa la sameeyay khuburo Enjineero  ah aya yimid  waxaana aan xog ku hellay in  warshadii la doonay oo lagu maqan yahay ,

Dadka iyo dalkaba  rajo wanagsan aya gashay lakiin waxaa 48 saacadood ee danbeeyay soo baxday in Ganacsade Ina Aw siciid kaligii uu ku dhawaqay in uu heshiis lasoo galay shirkada Ajanabi ah oo samayn doonta warshada cusub oo sibidhka samaysa,  sharciyadiina uu haysto ama liisankii xukuumada,

Horta waa Arin wanaagsan oo loo baahan yahay in dalka la maal gashado oo kaydka  buuraha sibidhka laga faa,iidaysto waxase muuqata in tani buuq kale abuuri karto maadama shirkad kale oo ganacsatada Somaliland kuwada jirto ay hawsha gacanta ku haysay waxanay lamid tahay uun tan Ina Aw siciid tii dahabshiil ee an soo xusnay ee jidkan qaldan loosoo maray ee kootada ah,

Mid kamida Raga ku jira ganacsatada midowday ee u  tafo xaytay samaynta warshad sibidh oo magaciisa Aanan xusaynin sida uu iga codsaday wuxuu ii sheegay in madaxwayne muuse biixi  ku yidhi  Ina  Awsiciidna warshadii  sibidhka ayuu inoo keenayaa oo dhisayaa marka waxanu ku nidhi ayuu yidhi madaxwayne haka mid noqdo samilayda gacanta ku haysa samaynta warshada cusub ee ganacsatadu ku miowdaye   ee kadaa qof kaliya gacanta haw galine ,waxase muuqata ayuu yidhi in hadalkii madaxwaynuhu uu aha go,aan nala maqashiinayay uun,

Hadaba hadii taasi jirto siduu ii sheegay ganacsadhasi waa arin murug keeni karta in daaqada laga tuuro ganacsatadii is xilqantay ee keenaysay warshada sibidhka  ganacsade kaliyana la siiyo,

Insha Alla allah waxaynu illahay ka baryaynaa in aynaan dib unoqonin ee aynu hore u socono ganacsatadeena malgashdayasha ahina ay ku heshiiyaan kicinta warshad cusub

Suxifi Yassin jama Ali