Abiy Axmed: ‘Waa in la ciribtiraa jabhadda Oromada’

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xasuuq ku tilmaamay weerarro lagu beegsaday dadka laga tiro badan yahay ee ku nool galbeedka Itoobiya halkaas oo lagu dilay dad badan.

Abiy Axmed wuxuu wacad ku maray in la ‘ciribtiro’ fallaagada oromada ee OLF.

Wuxuu ku eedeeyay in kooxdan ay ka dambeysay colaadda.

Ilaa iyo hadda jabhadda Oromada kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Dagaal ayaa subaxnimadii Isniinta ka bilowday degmada Hawa Gelan ee ka tirsan gobolka, dagaalkaas oo socday muddo saddex saacadood ah.

Weerraro hor leh ayaa ka dhacay tuulooyin fogfog oo ku yaalla galbeedka gobolka Oromiya ee Itoobiya. Dad badan ayaa ku dhintay, guryana waa lagu gubay sida ay goobjoogeyaal u sheegeen BBC-da.

Way adag tahay in la xaqiijiyo tirada dhabta ah ee dadka la dilay maaddaama aan wali la wada helin meydadka dadka loo malaynayo in la laayay. Laakiin, waxaa laga yaabaa in ay kor u dhaafto 150 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegeen labo ka tirsan goobjoogeyaasha.