Nuxurka shirkii manta e odayasha ERGADA is xilqaamay ee la kulmay Madaxwayne biixi

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Qaabiley Ergo Isku-xil-qaantay Xal-u-helidda Arrimaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira.
Hargeysa-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-06-2022 Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergo is-xil-qaantay oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo Culimo Awdiin, maalmihii u danbeeyey ku hawllanaa isu soo jiidka arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarid.
Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu odayaasha dhaqanka iyo culimada is-xil-qaamay ku soo dhaweeyey gacmo-furan, waxaanu u sheegay inuu u hayo xurmo iyo ixtiraam gaar ah. Dhinacooda Ergaduna waxay u sheegeen madaxweynaha in ay u socdaan in ay gacan ka gaystaan xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira hadda.
Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in Golaha Guurtida oo sharci ahaan Qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha.
Waxaana Madaxweynaha Qaranka shirka ku wehelinayey
1. Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed
3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed
4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud
5. La-taliyaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde
6. Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere
Dhinaca Xubnaha Guddida is-xilqaantayna waxay kala ahaayeen:-
1. Suldaan Xasan Xaddi Baade
2. Suldaan Maxamed Cabdi Xasan
3. Suldaan Salmaan Axmed Maxamed
4. Suldaan Maxamed Muuse Nuur
5. Suldaan Cawil Faarax Shire
6. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Aw Cabdi
7. Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud
8. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
9. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
10. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
11. Caaqil Xasan Muuse Cabbaas
12. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
13. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre
14. Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre
15. Suldaan Cismaan Baane
16. Suldaan Axmed Daahir Muuse
17. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad
18. Suldaan Ismaaciil sheekh Cumar Xasan
19. Suldaan Axmed Aw Cali
20. Suldaan Cali Jaamac Galaal
21. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale
22. Suldaan Cabdillaahi Maxamuud
23. Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Ciise
24. Suldaan Abshir Maxamed Ducaale
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL