Musuq iyo Maasuq galay Hay,ada WFP iyo Baahi daran oo qaylo dhan laga diray dalka Ethiopia

0

Sarkaalad sare oo horay oo ka tirsaneyd Qaramada Midoobay oo ku baaqay in la baaro Musuqa ka dhex jira Hay’ada gudaheeda

Sarkaalad sare oo horay oo ka tirsaneyd Qaramada Midoobay ayaa ku baaqeysa in la sameeyo guddi madax-bannaan oo baara eedaha ku saabsan xadgudubka galmada iyo musuqmaasuqa ee ka jira hay’adda.

Purna Sen, oo Qaramada Midoobay u qaabilsanayd wax ka qabashada xadgudubyada galmada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la sameeyo baaritaan degdeg ah.

Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegtay in ay si joogto ah u xoojisay in aan loo dulqaadan karin dhibaatooyinka ka dhasha galmada.

WFP xafiiskeeda Itoobiya oo war ka soo saartay xaalada cunto la’aanta ee ka jirta Itoobiya

Warbixintii ugu dambaysay ee ay ha’adda cuntada aduunka ee WFP xafiiskeeda Itoobiya ka soo saartay wax ka qabashada xaaladda abaaraha ee dalkaa ka taagan ayay ku sheegtay in dad ka badan todoba milyan oo qof ay halis ugu jiraan cunto la’aan.

Waxa ka mid ah dadkaas 3.3 milyan oo qof oo ku nool dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo halis ugu jira in cunto yarida soo food saartay noqon karto macaluul. Hay’addu waxay sheegtay in ay wado gargaar degdeg ah oo nolosha dadkaas lagu badbaadinayo oo deegaanka la gaarsiiyey cunto lagula tacaalayo nafaqa-darrada.