Vladimir Putin: Xog ku saabsan Madaxweynaha Ruushka oo isku day dil ka badbaaday

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka badbaaday weerar isku day dil ah oo lala beegsaday waxyar kaddib markii uu billowday dagaalka Ukraine, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militeriga dalka Ukraine.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah oo ay ka mid yihiin telefishinka NDTV iyo Wargayska New York Post ayaa maanta shaaciyay warkan oo ay kasoo xigteen wargayska Ukrainska Pravda ee laga leeyahay Ukraine.

Janaraal Kyrylo Budanov, oo ah madaxa sirdoonka dhinaca gaashaandhigga ee Ukraine, ayaa dibadda u soo saaray xogta ku saabsan iskudayga lagu dili rabay Putin ee “dhicisoobay”. Falkaas ayuu sheegay in uu ka dhacay gobolka Caucasus.

Warkan ayaa soo baxay xilli uu socdo dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, sidoo kalena ay isasoo tarayaan xogaha la isla dhex marayo ee la xiriira caafimaadka Madaxweyne Putin.

Gobolka Caucasus ee uu ka dhacay isku dayga dilka ah ee lala beegsaday Putin ayaa ku yaalla inta u dhaxaysa Badda Madow iyo Badda Caspian, dhacdadaasna waxay ku soo aadday waxyar kaddib markii uu qarxay dagaalka Ukraine oo bilowday 24-kii bishii February.