Madaxweyne Xasan oo magacaabay la-taliyaha Amniga Qaranka iyo ergeyga abaaraha

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali inuu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, La-taliye Sare oo dhanka Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka.

Waxa uu sidoo kale kasoo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan abaaraha.

Ergeyga gaarka ah ayaa loo xil saaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha.