walaal kay madaxwayne ayuu ahaa laakiin digir kaliya ayuu isiiyay xili aan booqday madaxtooyada uu haystay

0
Thomas Sankara

Xigashada Sawirka, William Campbell

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Burkina Faso, Thomas Sankara, oo la dilay 1987-kii

Dacwad muddo dheer la sugayay oo ku saabsan dilka madaxweynihii hore ee Burkina Faso, Thomas Sankara, ayaa ka billaabatay magaalada caasimadda u ah waddankaas ee Ouagadougou.

Sanadkii 1987-kii ayaa Sankara lagu dilay afgambi ka dhacay dalkaas, wixii markaas ka dambeeyayna la isma weydiinin cidda ka dmabeysay dilkiisa, Ilaa laga soo gaaray 2014-kii oo uu isbaddal weyn dhacay.

Ninkaas waxaa lagu yaqaannay inuu iska ilaalin jiray ku takrifalka hantida dowladda, noloshiisuna waxay ahayd mid aan ka duwaneyn tan dadka caadiga ah ee muwaadiniinta ah.

Labo ka mid ah raggii walaalihiisa ahaa, oo kala ah Paul iyo Valentin Sankara, ayaa ka sheekeeyay xasuusta ay ka haystaan walaalkood ka hor inta aan la dilin.

Waxay sheegeen in tan iyo markii walaalkood dowladdiisii la afgambiyay ay ku noolaayeen xaalad isqarin ah, iyagoo u baqayay amnigooda.

Dad badan waxaa soo jiidatay sheeko uu BBC-da la wadaagay Thomas Sankara walaalkiis, Valentin Sankara.

Waxa uu ka hadlay sida Thomas uu uga dabeecad duwanaa madaxda kale badankood, gaar ahaan qaaradda Afrika, kuwaasoo laga yaabo inay ka faa’iideystaan xilka ay hayaan.

‘Ma fileynin cambuulo’

Inta badan madaxweynaha walaalihiis iyo xubnaha qoyskiisa ma aysan tagi jirin xafiiska madaxtooyada, sababtoo ah isagu ma uusan u fasixi jirin.

“Maalintii ugu horreysay ee aan lugta saaro madaxtooyada, aabbe ayaa wax iiga dirsaday, waxay ahayd xilli duhurnimo ah, aad baan u faraxsanaa maalintaas.

“Waxaan niyadda iska dhahayay, ‘cajiib… maanta runtii waxaan raashin ku cuni doonaa miiska weyn, laakiin waxaa lama filaan igu noqotay, markii aan imid, halkii aan raashin madaxtooyo sugayay waxaa la isoo hordhigay saxan cambuulo ah. Waa cambuulada waddooyinka iyo meel walba lagu iibiyo, oo lagu heli karo lacag ka yar nus doolar.

“Canbuuladii ayaan eegay, markaas ayaan niyadda iska dhahay, tani waa nasiib darro, laakiin si aanan u niyad jabinin, dhowr jeer ayaan cantuugay. Markaan ka dul kacay ayay igu dhahee, ‘maxaa kugu dhacay? maad cuntid raashinka?’ Markaas ayaan ugu jawaabay, ‘maya dhib malaha, halkan intaanan imaanin baan wax soo cunay'”, ayuu yiri Valentin.

Wuxuu intaas ku daray in arrintaas uu aad ula yaabay, ayna ku noqotay wax waalli

Valentin Sankara

Isla sidaasoo kale waxaa uga markhaati kacay walaalkiis Paul Sankara, oo isagana sheegay in Thomas uu qoyskiisa mar walba u caddeyn jiray sida uusan raalli uga ahayn inuu u fasaxo hantida shacabka.

“Waxa uu ahaa nin adadag, walaalkeenna naga weyn oo waxyaabo badan aan ka filaneyno, sababtoo ah, marka uu ka imaado safar dibadda ah waxaan rajeuneynaa inuu kuu keeno hadiyad qaali ah, ama labis dhar ah, wax uun, balse markii uu xukunka qabsaday wuxuu noo caddeeyay inuu meeshaas u joogo shacabka reer Burkina Faso, oo uusan u joogin walaalihiis iyo wixii la mid ah,” ayuu yiri Paul Sankara.

Ilaa markii la afgambiyay Sankara, Burkina Faso waxaa madaxweyne ka ahaa Blaise Compaoré. Laakiin kacdoon ballaaran oo dhacay sanadkii 2014-kii ayaa ku khasbay inuu ka dago xilka.

Waxaa durbadiiba billowday in la dhiso xasuustii Thomas Sankara oo dib loo soo nooleeyay.

Walaalihiis waxay sheegeen inay mar walba xasuustaan walaalkood oo dhahaya: “xitaa haddii aniga la i dilo, waxaa soo bixi doona 1,000 Sankara oo kale”.