Berbera, Madaxwayne ku xigeenka somaliland C raxman saylici muxuu kusoo arkay berbera

0
Madaxwayne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi ismaaciil saylici iyo Wafti u Hogaaminaayo ayaa soo gaadhay magaalo madaxda gobalka Saaxil ee Berbera.
Ujeedka safarka ayaa daranaa kormeer iyo qiimayan mashruuca maamul daadajinta dawladaha hoose ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano JPLG.
Maamulka degmada oo ugu horeeyo mayorka degmada iyo xoghayaha fulinta, agaasimiyaasha dawlada hoose ee degmada Berbera ayaa warbixino ka siiyay waftiga waxyaabahii laga fuliyay mashruuca maamul daadajinta degmada Berbera sanadkan sii dhamaanayaa 2021
Ugu danbayntii waftiga uu hogaaminaayo madaxwayne ku-xigeenka JSL ayaa kormeer kusoo maray dugsiyada waxbarashada iyo xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka degmada Berbera.