Wefti ka socda Xukumada S/land oo gaadhay Dalka Jabuuti+Ujeedada Safarkooda

0

Wafti ka socda xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha oo ay weheliyaan gudoomiyaha haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha, taliyaha ciidanka laanta socdaalka iyo masuuliyiin kale ayaa gaadhay caasimada dalka jabuuti. halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay wakiilka Somaliland ufadhiya dalka jabuuti.Masuuliyiinta ka tirsan xukuumada somailand ayaa magaalada jabuuti kaga qaybgalaya shir caalamiya oo lagaga hadlayo arimaha qaxoontiga kaasi oo ay ka qaybgalayaa dalal kale oo katirsan qaarada Africa.Shirkan ayaa waxaa soo agaasintay haayada qaramada midoobay ee arimaha qaxoontiga ee UNHCR.