Qaramada Midoobay Oo Sheegtay in 16 Shaqaalaheeda Ka Mid Ah Lagu Xidhay Addis Ababa

0

Qaramada amidoobay ayaa sheegtay in 16 shaqaalaheeda ka mid ah oo Ethiopian ah lagu xidhay caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, halka lix kalena la siidaayey.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarricoo warbaahinta kula hadlay New York ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii ay u sugi lahaayeen in si dhakhso ah loo sii daayo.

Ilaa iyo hada ma cada sababta dadkaasi shaqaalaha ah loo xidhay.