Socdaal: Maxaa ku dhacay diyaaraddii ku hakatay Spain ee mar qura rakaabkeedii ku kala carareen laamiga?

0

Socdaal: Maxaa ku dhacay diyaaraddii ku hakatay Spain ee mar qura rakaabkeedii ku kala carareen laamiga?

Mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu mashquulka badan dalka Spain ayaa Jimcadii albaabbada la isugu dhuftay muddo afar saacadood ah kaddib markii sida muuqatay ay dad tahriibeyaal ah isku dayeen inay si sharci darro ah waddanka ku galaan.

Diyaarad kasoo duushay magaalada Casablanca ee dalka Morocco kuna sii jeedday magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ayaa loo weeciyay magaalada Palma ee dalka Spain kaddib markii lasoo tabiyay xaalad caafimaad oo deg deg ah.

Islamarkii ay diyaaraddu cagaha dhigatay garoonka, 21 qof oo ka mid ahaa rakaabka ayaa ku cararay laamiga, iyagoo ka gudbay darbigii siligga ahaa ee garoonka diyaarada, sida ay wararka sheegeen.

Booliska ayaa soo xirxiray qaar ka mid ah dadkaas, balse 12 ruux ayaa wali baxsad ah oo aan gacanta lagu soo dhigin.

Saraakiisha ciidanka amniga ayaa sheegay inay baarayaan arrinta ku saabsan in dadka ka baxsaday diyaaradda ay tahay isku day ulakac ah oo tahriibeyaal ay ku doonayaan inay si sharci darro ah ku galaan Spain.

Aina Calvo, oo ah madaxa maamulka jasiiradaha Balearic ee dalka Spain, ayaa sheegay in xaaladdaas ay ahayd mid lama filaan ah oo uusan usii diyaar garoobin garoonka.

Kalacararka ayaa billowday kaddib markii shaqaalaha gurmadka deg degga ah laga firay albaabka diyaaradda si ay u qaadaan nin u dhashay Morocco oo la sheegay inuu koomo u galay xanuunka sokorowga oo ku soo booday awgiis.

Inta uu gurmadka socday, 21 qof oo ka mid ah rakaabkii kale ayaa orod uga soo dagay jaranjarada, wayna baxsadeen, iyagoo sida la sheegay isku qarinayay ama ka hoos dusayay diyaaradaha fadhiyay garoonka.

Wakaaladda Wararka ee Spain (EFE) ayaa soo tabisay in markii ninka xanuunsanaa isbitaalka la geeyay kaddib la ogaaday inuusan waxba qabin oo caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay. Islamarkiiba ninka u dhashay Morocco waxaa laga saaray isbitaalkii waxaana loo taxaabay xabsiga isagoo loo heysto dacwad ku saabsan inuu si sharci darro ah ku galay waddankaas.

Sida ay wararku sheegayaan, qof rakaab ahaa oo ninka xanuunka sheeganayay u raacay isbitaalka ayaa isagana baxsaday.

Inta badan tahriibeyaasha baxsadka ah oo ay xireen ciidamada ilaalada garoonka ayaa lagu wareegiyay booliska, sida uu shaaciyay wargeyska maalinlaha ah ee Mallorca. Qaarkood waxaa lasoo qabtay iyagoo u lugeynaya magaalada ugu dhow garoonka diyaaradaha ee Manacor.

Tirada guud ee dadka ka cararay diyaaradda waxay ahayd 24 qof, waxaana ka mid ah qof loo xiray dagaal uu ka sameeyay diyaaradda dhexdeeda.

Qiyaastii 60 duullimaad oo isugu jiray kuwo maxalli ah iyo kuwo caalami ah ayaa laga weeciyay garoonka inta uu u xirnaa qalalaasahaas awgiis.

Diyaaradda Air Arabia ayaa markii dambe sii wadatay duullimaadkeeda ku wajahnaa waddanka Turkiga, iyadoo qaadday rakaabkii usoo haray.