Deg Deg, Ciidamo kala taabacsan Rooble iyo farmajo oo dagaal ku dhexmareyo XAMAR

0

 

Wararka ka imaanayaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu saaka ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada militariga iyo kuwa booliska Soomaaliya, sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen VOA.

Wararka ayaa intaas ku daray in dagaalku uu ka bilowday muran la xiriira dhul, iyadoo faahfaahin intaas dheer aan laga bixin sababta rasmiga ah ee dagaalkan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, hase yeeshee ilo wareedyo aya VOA u xaqiijiyay in taliyaha ciidmada ciidanka Haramcad Cabdixamiid C/llaahi Fanax uu ku dhaawacmay. Mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee la xiriira isku dhaca labada ciidan.

Dadka degan agagaarka isgoyska Banaadir iyo xaafadaha u dhow ayaa ku waabariistay rasaas cuslus oo labada dhinac isku adeegsadeen.