Jovenel Moïse: Calooshood u shaqeystayaashii dilay madaxweynaha Haiti

0
Booliska ayaa warbaahinta u soo bandhigay qaar ka mid ah ragga laga shakisan yahay. Waxaa kale oo la soo bandhigay hub, rasaas iyo baasaboorro.

Koox ku taqasustay khaarijinta iyo shirqoollada dilka, oo u badnaa askar howlgab ka noqotay ciidamada Colombia, ayaa ka dambeeyay dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, ee horraantii isbuucan, sida ay sheegeen booliska dalkaas.

Kooxda weerarka fulisay waxay ka koobnaayeen 26 u dhalatay Colombia iyo laba Mareykan ah – asalkooduna yahay Haiti – sida laga soo xigtay taliyaha Booliska dalkaas, Léon Charles, oo la hadlay saxaafadda.

Siddeed ka mid ah kooxdaas laga shakisan yahay ayaa weli baxsad ah, 17-ka kale oo ay ka mid yihiin labada Mareykanka ah, ayaa la qabtay oo la xiray.

Kuwii sida ugu wayn looga shakisanaa waxaa lagu dilay dagaal iyaga iyo booliska ku dhexmaray magaalada caasimadda u ah Haiti ee Port-au-Prince.

Aroortii hore ee subixii Arbacada, koox dablay ah ayaa gudaha u galay guriga madaxweynaha, waxayna toogteen isaga iyo xaaskiisa.

Moïse waxaa la helay isagoo dhabarka u jiifa oo 12 xabadoodna ay ku dheceen. Isla goobta ayuu ku dhintay, sida maamulka dalkaas ay sheegeen.

Xaaskiisa ayaa si xun u dhaawacantay waxaana loo qaaday gobolka Florida si loogu soo daweeyo halkaas. Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda ay wanaagsan tahay.

Weli ma cadda cidda qorsheysay weerarka iyo ujeedadii ka dambeysay. Ra’iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah ee Haiti, Claude Joseph, wuxuu BBC-da u sheegay in ay suuragal tahay in madaxweynihii 53 sano jirka ahaa loo bartilmaameedsaday arrimo la xiriiray la dagaallankiisii “kooxaha qaska ka wada dalka”.

Khamiistii, booliska waxay qaar ka mid ah dadka laga shakisan yahay u soo bandhigeen warbaahinta. Waxaa kale oo la soo bandhigay hubkii la soo qabtay, baasaboorrada dalka Colombia iyo waxyaabo kale.

“Ajaaniibtan waxay dalkeena u yimaadeen si ay u dilaan madaxweynaheena,” ayuu yiri Charles.

“Waxaan sii xoojineynaa baritaankeenna iyo farsamada raadinteenna illaa aan soo qabanno 8-da kale ee calooshood u shaqeystayaasha ah,” ayuu hadalka ku sii daray.