Imaaraadka carabta oo Fudaydiyay Iibka xoolaha soomaalida

0

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hirgeliyey nidaam fudud oo uu Soomaalida uga iibsanayo xoolaha xilli hadda lagu guda galay xilliga iibsiga xoolaha ka hor Ciidul Adxaa oo ay naga xigto wax ka yar laba toddobaad.

Nidaamkan ayaa ah in xoolaha lagu kala gato qaab Online ah, taasi oo sahashay in Imaaraadka Carabta la geeyey sanadkan xoolo tiro badan oo laga qaaday degamada  Soomaaliya ama dekadaha mandaqada geeska afrika , iyadoo ay Imaaraadkau marimayo  tijaabo cafimaad oo an caqabad adah lahaey

Sida lagu daabacay Gulf News qiimaha “Wanka madaxa madow  ee degaamada soomalida laga soo dhoofiyo” xajmigiisuna yahay  12kg isla markaana ah Lix bil jir waxaa la lagu kal iibsanayaa  suuqyada imaaradka  925 ilaa 980 Dirham oo u dhiganta ($251-$266).

Dowladda Imaaraadka ayaa dadka shacabka ah u fududeysay kawaano Online looga iibsan karo Xoolaha loogu talagalay Ciidul Adxaa, dadka ayaa dalbanaya kadib waxaa loogu keenayaa Guryahooda.

Waxaa socdo diyaar garow xooggan oo loogu jiro Ciidda Carafo oo la filayo inay noqoto 20 July 2021, maadaama ay dadka goowracayaan xoolo waxaa loo diyaariyey goobo hoosstaga Dowladda Hoose ee Imaaraadka Carabta.

Suuqa Online-ka ah ayaa waxaa lagu kala iibsanayaa Ariga, Lo’da & Geella, waxaana xoolaha inta ugu badan laga soo dhoofiyay  dekadaha mandaqada geeska afrika sida Dekadaha Berbera, Boosaso

Mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaa sheegay in qaabkaan uu fududeynayo dalabaadka dadka doonaya inay iibsadaan xoolaha

Sidoo kale, dalka Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah wadamada xoolaha mandaqda soomalidu degto  loo dhoofiyo, gaar ahaan waqtiga Ciidul adxaa, waxaa dhowr jeer dib loo soo celiyey xoolo laga qaaday Soomaaliya oo la geeyey Sacuudiga, waxaana sababta lagu sheegay in xoolahaas ay xanuunsan yihiin.