Gataaalkii Hawada sare Kasoo Dhacay Xaguu ku dhacay,shinnaha oo shaaciyay

0

Gantaalka ayaa lagu waday inuu gaaro xaruunta hawada sare uu ku leeyahay Shiinaha

Gantaalka weyn ee lagu magacaabo Long March-5b uu Shiinaha hawada sare u diray ee xakamaha goostay ayaa ugu dambeynti ku soo dhacay badweynyta Hindiya meel u dhaw jasiiradda Meldivis.

Waxaa laga qabay cabsi weyn inuu gantaalkaasi uu ku soo dhaco goobo ay dadku deggan yihiin halkaasina uu qasaara ka geysto.

Maxaa dhici lahaa haddii uu ku soo dhici lahaa meel ay dad deggan yihiin?

Shuruuc caalami ah oo ay waddamada ku heshiiyeen lana meel mariyey 1960-kii iyo 1970-kii ayaa lagu maareeyaa arrima noocan ah haddii ay dhacaan.

Waddanka u gantaalka noocan ah ee la xakameyn waayo uu ku soo dhaco qasaaraha ka soo gaaro dalki gantaalka qasaaraha geystay lahaa wuxuu weydiisanayaa magdhow u dhigmo qasaaraha soo gaaray arrintaasi oo haatan ka hor hal mar dhacday.

Gantaalka Midowgii Soofiyeti uu lahaa ee lagu magaacabayey Cosmos 954 oo ku duulayey tamarta niyuukilarka ayaa 1978-kii ku dhacay dalka Canada. Dalka Canada wuxuu Midowgi Soofiyeti uu ka dalbaday kharashaadki lagu nadiifin lahaa shucaacii niyuuukilarka ee ka dhashay qaraxa dayax-gacmeedkaasi.

Arrintan oo kale horay ma u dhacday, mase laga yaabaa iney markale dhacdo?

Shiinaha ayaa taariikh dheer u leh qayba ka mid ah qalabka hawada sare ay u dirto ay meeshey doonaan ay ku soo dhacaan.

Gantaallada laga soo gano xaruunta dayax-gacmeedyada laga diro ee Xichang ee ku yaalla gobolka Sichuan, waxay si joogta ah ugu soo dhacaan dhulka miyiga ah ee xaruuntaasi u dhow, mararka qaarna waxyeello geysta.

Shiinaha ayaa markaa wixi ka dambeeyey dayax-gacmeedyo badan uu hawada u diray uu ka mid yahay gantaalkan weyn ee lagu magacaabo Long March-5b, u wareejiyey xaruun cusub oo ku taalla Wenchang, oo ku taallo magaalada Hainan, oo ah jasiirad ka baxsan xeebta Koonfur-bari.

Sanadkii hore, markii ugu horreysay ee gantaalka Long March 5B ay hawada sare u dirtay ayaa lagu tilmaamay mid muujineyso horumarka uu Shiinaha dhanka hawada sare uu ka gaaray. Gantaalkaasi oo markii dambe xakameyntiisu ay adkaatay markii uu hawada ku burburay qayba ka mid ah burburkiisa waxay ku soo dhaceen tuulo ku taallo Ivory Coast.

Xaruunta Hawada sare ee Shiinaha ayaa qorsheysa ilaa iyo 2022-ka iney hawada sare u dirto dayax-gacmeedya ka mid ah Long March 5B. Haddiise Shiinuhu uu la imaan qorshe arrimahaasi oo dhan uu wax ka qaban waayo ay badan doonto iney dad badan waxyeella ka soo gaarto burburka qayba ka mid ah dayaxgacmeedyada burburkooda uu dhulka ku soo dhaca.