Boqor Buurmadaw Wuxuu Ka War Hayey Muddo Saddex Cisho Ah In Lagu Soo Daynayo Dolaal…

0

Siyaasiga Jaamac ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa sheegay inuu Boqor Buurmadaw uu ogaa in muddo saddex cisho gudahood ah lagu soo daynayo Dolaal, sidaas darteedna wuu adeegsaday hanjabaad xadaaradi ku jirto.

Siyaasi Jaamac ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Boqor Buurmadaw wuxuu ka war hayey muddo saddex cisho ah in lagu soo daynayo Doolaal, sidaas darteed buu hanjabaad xadaaradi ku jirto ugu dhawaaqay, laakiin waxaan leeyahay Boqor Buurmadaw Somaliland waa dawlad, dawladnimana hadalo laguma dumayo ee shaqadaada dhaqanka ku ekaw, oo hawlahan aan hawlahaaga iyo shaqo aan shaqadaada ahayn inaad ka baxdo oo aad faraha ka qaado ayaa haboon..”.

Mar wuu ka hadlaayey Sarkaalka la sii daayey wuxuu yidhi “Sarkaalka la sii daayey ee Doolaal, xorriyaddiisii ayaa dib ugu soo noqotay, oo Maxkamadda ayaa dib u soo celisay xorriyadiisii, waxaa lagu haystay ayaana noqday waxaan u cuntamin Maxkamadda, sidaas darteed ayuu xorriyadiisii u dib ugu helay, ee waxaan ka digayaa sideedaba in aan la xidhin cid aan lagu hayn dambi cad”.