John Mahama oo loo magacaabay ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya

0

MADAXWEYNIHI HORE EE GHANA JOHN MAHAMA

Guddoomiyaha Midoowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa Madaxweynihi hore ee Ghana John Dramani Mahama, u magacabay in uu nooqdo ergayga u qaabilsan arrimaha doorashadda iyo siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Mahama ayaa la shaqeyn doono dhamaan saamileyda siyaasadda iyo beesha caalamka si siyaasiinta ay tanaasul u sameyaan islamarkaana xal looga gaaro waxyaabaha la isku hayo, doorashadana lagu qabto muddada ugu yar ee ugu macquulsan.

Si howlihiisa uu u guto ayaa waxaa la sheegay in uu taagero ka heli doono ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya ee Amisom kuwaas oo xaqijiin doono in dedaallada wadaxaajodka iyo qorshaha geeddi socodka nabadda ay isla jan qaadaan.

Guddoomiyaha Midoowga Afrika Moussa Faki Mahamat,ayaa ugu baaqay siyaasiinta soomaaliyed in si daacad ah ay u wadaxaajodaan, ayna danaha soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed ay ka hor mariyaan wax walbo si xal loo wada dhanyahay looga gaaro khilaaflka doorashada.

Tallaabadan ayaa waxaa la doonaya inay ka dhalato dowladd si dimuqraadi ah lagusoo doortay taas oo ay ka go’antahay inay xalliso khilaafaadka dastuur iyo kuwa siyaasadeed-ba ee haray, oo halis ku ah xasiloonida dalka iyo gobolka oo dhan.

Guddoomiyaha Midoowga Afrika, ayaa ka codsaday dhammaan saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya iyo beesha caalamka inay taageero kasta u fidiyaan Wakiilka Arrimaha siyaasadda iyo Doorashooyinka, kaasoo maalmaha soo socda tegi doono dalka Soomaaliya.