Kenya oo xalaallaysay hilibka dameeraha,

0

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xayiraadii ka qaaday qalashada iyo iibinta hilibka dameeraha oo ay dowladda saartay bishii Febraayo ee sanadkii hore. Dacwad uu soo gudbiyay mid ka mid ah kawaannada dameeraha, ayay maxkamaddu xukuntay in dowladda aysan si ku filan u difaacin kiiskeeda.

Xukunka ayaa ka dhigan in afarta kawaan ee dameeraha ee horay shatiga loogu siiyay inay ka shaqeeyaan Kenya ay hada dib u bilaabi karaan ganacsigooda. Tani waxay daba socotaa codsi guuleystey oo ay soo saartay shirkadda ‘Br Bryanant Slaughterhouse’, oo sheegatay in amarka dowladda uu ku xadgudbay xuquuqdeeda.

Sanadkii la soo dhaafay, Kenya waxay mamnuucday gawraca iyo dhoofinta dameeraha iyo wax soo saarkooda si loo ilaaliyo dameeraheeda gudaha ku nool. Dowlada ayaa kadib weydiisatay milkiileyaasha kawaannada inay u baddalaan goobahooda goobo lagu qalo xoolaha kale sida ariga iyo lo’da.Tirada dameeraha Kenya ayaa lagu qiysaasy 1.8 milyan ilaa 1.2 milyan intii u dhaxeysay 2009 iyo 2019, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee dowladda ee la daabacay 2020.

Waddanka Bariga Afrika wuxuu sharciyeeyay ka ganacsiga hilibka dameeraha iyadoo 2012 uu dalku daboolayey baahida sii kordheysa ee Shiinaha uga imanaysay. Sidaa darteed, qiimaha dameerka qaangaarka ah ayaa afar lab ka badan inta Kenya, sida laga soo xigtay Shabakadda Afrika ee Daryeelka Xayawaanka. Brooke East Africa, oo ah koox u ololeysa dameeraha, ayaa ku qiyaastay in kawaanku gawraco ugu yaraan 1,000 dameer maalintii.

Dalalka Uganda, Tanzania, Botswana, Niger, Burkina Faso, Mali iyo Senegal ayaa mamnuucay in dameeraha loo dhoofiyo dalka Shiinaha

Baahi aad u weyn ayaa jirta oo loo qabo maqaarka dameeraha kolka la joogo dalka Shiinaha. Marka maqaarka la kariyo, waxa uu soo saaraan maaddao lagama maarmaan u ah wax soo saarka Shiinaha “ejiao” – taas oo ah mid ka mid ah cuntooyinka caanka ah ee caafimaadka, dhanka kalena ah daawo dhaqameed

Dad badan oo ku dhaqan dhulka miyiga ah ayaa dameeraha u isticmaala in ay u soo dhaamiyaan biyaha iyo xaabada.