Xilaaf Ka Dhex Aloosmay Agasimaha guud ee wasaarada caafimadka iyo wasiirkiisa

0

 

Kadib Markii uu Dhawaan Mudo hada Wakhti Badan laga joogo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka usoo Magacaabay Gobolka Gabiley, Isuduwe Badeli lahaa isuduwihii hore ee hayay, Xilka Wasaaradaasi, Waxaa suurtagali Weyday in uu Isuduwaha Wasiirku Soo magacaabay, Habayaraatee, La Wareegi Waayay Xilkii sidii Waajibaadka iyo Sunaha Dawladnimo ahaa taas, oo fajac iyo Amakaag ku Noqotay Guud ahaanba Shacbiga Gobolka Gabiley.

 

Haddaba Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Hurumarinta Somaliland Dr Xergeeye, oo Maalintii kasoo Qeybgaley, Munaasibad lagu Daahfurayay Mashaatiic Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley, ka hirgaliyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley, ayaa Sheegay Kadib Markii Wax laga Weydiiyay Sababta hakadka galisay Isuduwihii Wasiirku usoo Magacaabay Gobolka dhinaca Wasaaradda Caafimaadka in uu Isagu Maqnaa Markii uu Wasiirku Soo magacaabay Isuduwahaasi islamarkaana, ay taasi Sabab u tahay Arimaha uu Xilka ula Wareegi Waayay, Sidoo kalena, ay Arintu u Taalo isaga iyo wasiirka.

xigasho wajaale news