Marwa Elselehdar: ‘Waxaa la igu eedeeyay inaan xayiray kanaalka Suez’

0

Marwa Elselehdar haweeneydii ugu horreysay ee u dhalatay Masar ee naaquuda noqotay

Bishii aynu soo dhafnay, Marwa Elselehdar ayaa waxay la kulantay arrin la yaab leh.

Waxaa soo ifbaxay wararka sheegaya in markab weyn oo xamuul qaaado laguna magacaabo Ever Given uu fariistay kanaalka Suez, arrintaas oo saameyn weyn ku yeelatay mid kamid marinka ugu muhimsan ee maraakiibta caalamka

Balse waxay teelkeeda ka aragtay warar been abuur ah oo sheegaya in iyadu ka dambeysay waxa meesha ka dhacay.

“Aad ayaan ula yaabay,” ayay tiri Marwa oo ah gabadhii ugu horeysay ee naaquuda markab ka noqoto dalka Masar.

Xilliga markabku fariisanayay kanaalka Suez, Ms Elselehdar ayaa maamulka u haysay markabka Aida IV, boqolaal mayl meel u jirta biyaha Alexandria.

Markabka ay hogaanka u hayso ayaa waxaa leh waaxda badbaadada badda ee Masar wuxuuna sahay u siday xarun tababar oo badda cas ku taalo.

Waxaa baraha bulshada qabsaday warar been abuur ah oo laga dhigay inay tebiyeen warbaahinta Carabta oo ah in shilka kanaalka ay ka dambeysay Marwa Elselhedar.

Marwa Elselhedar waa 29 Jir waxayna BBC-da u shegetay in aysan ka warqabin cida faafisay wararka been abuurta iyo danta ka la haayeen.