Maraykanka Oo 10-Milyan Oo Dollar Dul Dhigtay Madaxa Hogaamiye Ka Tirsan Kooxda Xizbullah

0

Bayaan lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka shalay galab oo wargeyska Foore ka soo turjumay xogtan, ayaa lagu sheegay in Saliim Cayaash uu yahay dhaqdhaqaaqe caan ah oo ka tirsan Qeybta 121aad ee kooxda Xisbullah kaasi oo lagu tilmaamo mid ka mid ah ragga ugu halis badan kooxda Xizbullah. Maraykanku waxa ay ninkan Saliim Cayaash ku eedaynayaan in uu gaystay dilal iyo afduub isaga oo ka amar qaadanaya hoggaamiyaha awoodda badan ee Xisbullah Sheekh Xassan Nasrallah.

 

Inkasta oo Yuhuudda gaar ahaan sirdoonkooda MOSSAD uu muddo daba socday ninkan kan amid yahay ragga u calaamadsan ee ay rabaan in ay ka takhalusaan haddana Maraykanka ayaa hadalkiisani ku soo beegmayaa wakhti kooxda Xizbullah ay awoodeeda laban laabtay saamayn weynna ku leedahay dalka Lubnaan.

Hadalka Kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka waxaa lagu muujiyey in Saliim Cayaash uu ku lug lahaa dadaallo lagu waxyeeleynayo shaqaalaha militariga Mareykanka ee ku sugan Lubnaan iyo goobo kale oo Bariga dhexe ah.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waxay tilmaamtay in bishii Diisambar 11-keedii, 2020, maxkamad caalami ah oo maqane ah ay soo saartay shan xukun oo xabsi daa’in ah oo isku mar ah kaasi oo lagu qaaday Saliim Cayaash, saga oo oo lagu soo oogay dacwado la xidhiidha argagixisanimo, taasoo ka dhalatay qaraxii lagu soo xidhay gaadhiga xamuulka ah bishii February sannadkii  2005 kaasi oo marayay magaalada Beirut, laguna dilay Raiisal wasaarihii waddanka Lubnaan, Rafiiq Al Xariiri, iyo 21 kale halka falkaasi qaxara ahaa lagu dhaawacay in ka badan 226 oo qof.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay ogaatay in Saliim Cayaash uu hogaaminayay “kooxdii dilka fulisay ee weerarka ku qaaday Rafiiq Al Xariiri, uun kaalin firfircoon ku lahaa hawlgalkaasi dilka Ra’iisal Wasaaraha maalintii weerarku dhacayay.”

Salim Ayyash weli waa la raadinayaa, maadaama Xoghayaha Guud ee Xisbullah, Hassan Nasrallah uu diiday inuu ku wareejiyo, isaga iyo saddex eedeysane oo kale, oo ugu dambeyn la sii daayay.