Cirro Oo Xukuumadihii Kala Dambeeyay Ee KULMIYE Ku Eedeeyay Inay Macno-tireen Nidaamka Dawladnimo Ee Somaliland

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa eedaymo u jeediyey Xukuumadda haysa talada Somaliland ee ka soo jeeda Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye Cirro oo khudbad dheer ka jeediyey furitaanka Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaasi oo Shalay ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay ku tumatay Xuquuqal iinsaanka, Cabudhiso Saxaafadda isla-markaana ay daciiftay kalsoonidii lagu qabay Hay’adaha Dawladdu.

“Waxaad ka dharagsan tihiin xaaladda guud ee dalku halkay marayso, waxa inoo wada muuqda in nidaamkii dowladnimo, wada tashigii, wax wada lahaanshihii iyo kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dowladdu ay daciifay” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxaanu intaa ku daray “Cabudhinta Xukuumadda ee saxaafadda madaxa-banaan, xadhigga aan loo miidan dayin, loona marin dariiq sharci ah ee muwaadiniinta Somaliland”.

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu sheegay “Ku tumashada xuquuqal insaanka, waxay dalkan u horseedi karaan in dowladnimadii iyo dimuquraadiyaddii aynu ku faanayney labaduba saqiiraan, naawilaaddii iyo Rejadii uu Shacabku ka qabay Dawladnimada, Cadaaladda, nidaamka iyo kala dambaynta oo hoos u dhacday, khatarna aynu ugu jirno inay gaadho meel aan laga soo kaban karin, tusaale ahaan waxa meesha ka baxday kala Madax-banaanideedii iyo isla xisaabtankii uu Dastuurku waajibiyey ee Hay’adaha Qaranka, kuwaasi oo kala ah Fulinta, Garsoorka iyo Xeer-dejinta.”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu sheegay “Walaaleyaal, waxaan la dafiri karin, in Midnimadii, Wada-jirkii, islahaanshihii Bulsho-nimo ee Shacabka Somaliland inuu dil-dilaac ku yimid, waxa soo baxay Magacyo cusub oo ka markhaati kacaya oo ka markhaati kacaya sida Ummaddu u sii kala irdhoobayso, sida Beesha dhexe, Beelaha Darafyada, Magacyo kale, Sifooyin kale oo aad ka wada War qabtaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Muddadii ay jireen Xukuumadihii kala dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye waxa xoogaystay Qabyaaladdii iyo kala qaybsanaantii, waxa soo noqnoqday colaado ku salaysan reero  ama Qabaa’il..”