Kuwa Yar Yar Ee Af Miishaariinta Ahow Ee Warbaahinta Wax Ku Qora, Adeer Ka Daaya Ciidanka Wax Lagama Qoree”Taliyaha Ciidanka booliska jsl.Taliyaha Booliiska Somaliland

0

Kuwa Yar Yar Ee Af Miishaariinta Ahow Ee Warbaahinta Wax Ku Qora, Adeer Ka Daaya Ciidanka Wax Lagama Qoree”Taliyaha Ciidanka booliska jsl.

“Ninbaa Ku Cel Celiya Ciidanku Waxbay Qafaasheen, Adiga Cadaydoona Halkay Waxku Qafaasheen”.Taliye Dabagale.

HARGAYSA(W,N)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen Dabagale oo Khudbad ujeediyay ciidamo cusub oo tababar loosoo gunaanaday ayaa dar daaran culus ujeediyay Ciidanka booliska, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay qayb ka noqdaan dib uhabaynta lagu samaynayo ciidamada booliska Somaliland isagoo  ka markhaati kacay  habdhaqanka qalafsan ee ciidamada ay kala kulmaan bulshadu hadidaad iyo cago juglayn balse loo baahan yahay in ay waxka badalaan habdhaqankaasi oo ay bulshada  sifiican ula dhaqmaan.

 

Sidoo kale Taliye dabagale ayaa hanjabaad culus udiray suxufiyiinta iyo dadka kale ee ciidamada booliska waxka qoran oo uu sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan

Dhanka kale Taliye Dabagale ayaa dhaliilo culus iyo hanjabaad ujeediyay siyaasiyiinta ciidamada boolisku ku eedeeyay in ay dadka qafaashaan oo uu sheegay in ay ururiyaan waxa ay ciidamada ka sheegaan sharcigana ay la tiigsan doonaan.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa ka jawaabay eedaha ciidamada loogu jeediyay qaabka ay uxidhaan siyaasiyiinta oo uu sheegay in dadka ay xidh xidheen ay qaarkood ku kaceen falal foojari ah oo ay qaranka danbi ka galeen.Hadalka taliyaha ciidanka booliska oo umuuqatay cadho ka keentay weedhahan islamarkaana uu eedeeyay suxufiyiinta , siyaasiyiinta iyo bulshada dhaliisha ciidamada sida ay bulshada ula dhaqmaan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay ciidamada boolisku mudooyinkii udanbaysay xidh xidheen musharixiin katirsan xisbiga ucid oo utartamaya doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada taasi oo bulshada iyo madaxda xisbiyada ay ciidamadu kala kulmeen dhaliilo ay ugu soo jeediyeen xadhiga musharixiinta oo xadhigoogu yahay mid siyaasiya balse aanay jirin danbi ay qaranka ka galeen iyo falal abniga lidku ah oo lasoo qabtay iyagoo faraha kula jira.