Wasiirka Waxbarshada jamhuuriyda Somaliland oo Fasax Galinaya Goobaha Waxbarshada iyo sababta

0

Wasaaradda waxbarashada ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in bartamaha bisha soo socota muddo laba bilood ah la xirayo dugsiyada waxbarashada xilli uu somaliland  si ba’an ugu faafayo xanuunka Covid-19.

Kiisaska cudurkaas ee laga diiwaangeliyo Somaliland ayaa hadda ka badan kuwii bilihii la soo dhaafay.

Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay in laga bilaabo 13-ka bisha April la fasaxi doono dhammaan dugsiyada ku yaalla Somaliland.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli Somaliland uu fara ba’an ku haya cudurka Covid-19 iyo abaaro baahsan oo saameeyay howlaha waxbarashadana aay jiraan khaasatan gobolada bariga Sanag, Sool iyo Togdheer