Kulan Dhex maray Shirkadaha Shidalka siiya Marakiibta Bada taagan iyo Maareeyaha Dekadaha Somaliland

0

Kulan dhexmaray Shirkadaha  Shidaalka siin jiray Maraakiibta iyo Maareeyaha  Guud ee Dekadaha Somaliland Siciid Xasann Cabdilaahi ayaa kusoo dhamaaday Is Afgarad ,

Xaaji Cawl  Axmed Xusseen iyo Xaaji Cabdi Biindhe ayaa Mar aan Khadka Teloofanka ku wareystay ii sheegay in  Meesha aay ka baxday Borobaaando laga fidiyay  qorshaha  Maamul ee Xukuumadu la rabto  sidii la iskugu duba ridi lahaa nadaam fiican oo shirkadaha yar yare e shidalka siin jiray maraakiibtu ay ku hawlgaan,

Xaaji cawl ayaa yidhi, kulankan aanu saaka la qaadanay maareeyaha guud ee dekadaha Somaliland siciid xasan cabdilaahi  wuxuu noogu dhamaaday is faham wanaagsan,  maareyuhuna  mar walba wuu na bar bar taagan yahay , waxaanan  ka raali galinaynaa ayuu yidhi hadalada  dacaayadaha ah ee beenta ah ee dad aan xilkas ahayni  suuqa galiyeen kuwaas oo been abuur ahaa, mana jirto ayuu yidhi xaaji Cawl wax shaqo ah oo nalaa hor istaaay iyo xanibaad toona ,

Intaasi kadib shaqadayadii sidii ayuun bay u socon doontaa ,

Dabcana wuxuu maaruhu sida aan xog kale ku helay uu u balan qaaday ganacstadaa lrh shirkadaha u adeea maraakiibta ee siiya shidaaalka  in si wayn uala shaqeyn doono sidii ay tadawar horumarineed ugu samayn lahaayeen  shaqadooda iyadoo sidaynu ognahay dhawaan aay shaqada bilabi doonto dekada cusub ee Dp world  ku kordhisay dhisbihii hore ee dekada berbera  taas oo shaqo waliba laban laabmi doonto adeegyaduna inta kasii badan doonaan,