Shirkadihii yar yara ee siin jiray shidalka maraakiibta oo ka qayliyay shirkada ABC oo shaqadoodii ka qaaday

0

Berbera,[ Biyoguure News] Shirkadaha Yary yar ee soo koraya ee shidaalka siin jiray marakiibta ayaa ka qayliyay shirkada ABC oo qandarasa kusoo qaadtay in aay la wareegto shaqadii aya hayeen shirkadahaa yar yar oo 30 sano ee u danbaysay shidaaalka siinaya maraakiibat, kuwaas oo xaalado ada kala soo dabaashay adeegaa ay bixin jireen

Sida wararka Xo oaalka ahi sheegayan wasiirka wasarada ganacsiga iyo warshadaha somaliland xasan saajin aya soo amray in shirkada ABC shaqada qabato isagoo qoraal usoo kala qoray Maamulka Haamaha Shidaalka, Shirkada dp world ee maamusha dekada berbera , iyo Hay,adaha Amniga Qaabilsan

shirkadan ABC ayaa Sida la sheegay Maraakiibta shidalka u keentaa aanay kusoo xidhan doonin beebka hamaha shidaalka laakiin maraakiibtoodu iyagoo bada taagana ay kaga iibin doonan maraakiibta u baahan shidaalka,

dhanka kalena wasaarada maaliyada somaliland ayaa ku doodaysa in ay qasab tahay in aay cashuurta iska bixiyaan shirkadan ABC ee ka ganacsanaysa shidaal iibinta,

shirkada ABC oo Laga Badhi taageerayo madaxtooyada somaliland ayaa xidhatay durba shaqdaasi oo boqolaal qof u shaqo tagi jireen shirkadahaaasii yaryar ee shidaalka ka iibin jiray maraakiibta bada taagan,

Dabcana Madaxda shirkadahan yar yar ee shidaalka ka iibin jiray marakiibta ayaa wali ku guda jira shirar aay kaga arin sanayaan inqilaabka ku dhacay ee shaqadii ay hayeen loo wareejiyay shirakada ABC oo garab ka haysata xukuumada sare iyo wasaarada anacsiga iyo warshadaha ee somaliland,