Madaxda mucaaradka Soomaaliya oo Muqdisho war ka soo saaray

0

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyo kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay halkaas ay ku lahaayeen qaar ka mid ah musharrixiinta xilka madaxtinnimada ee Soomaaliya.

Musharrixiintaas ayaa xalay soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan tabashooyinkooda ku aaddan guddiyada doorashada ee ay dhawaan magacaabeen dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay tababar u furtay guddiyada doorashooyinka ee dhawaan la magacaabay, guddigagaas oo ahaa salka khilaafka.

Bayaanka musharrixiinta madaxtinimada

Bayaanka xalay soo baxay oo ay ku saxiixnaayeen 14 musharrax madaxweyne, ayaa waxa ay ku soo bandhigeen waxyaabaha ay ka tabanayaan guddiyada doorashooyinka.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in dowladda Federaalka, iyo maamul goboleedyada dalka ee kala ah Hirshabeelle, Galmuug, iyo Koonfur Galbeed xubnaha ay soo xuleen aanay buuxinin shuruudihi looguu tala galay, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha nabadgalyada, shaqaalaha rayadka ee dowladda iyo kuwa sida joogtada ah u taageero madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale madaxda ku saxiixan bayaanka ayaa waxa baaq u direen mamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ay ku booriyeen inay xubnaha shaqaalaha dowladda ee ay ku soo dareen labada guddi ee federaal ee ay soo gudbiyeen inay badelaan.

Iyagoo ugu dambeyntina sheegay in loo baahan yahay in magacaabista guddiyada ay tahay in la waafajiyo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo heshiisyadii siyaasadeed ee horay loo gaaray.

Halkan ka akhriso bayaanka oo dhammaystiran: