Doorashada Mareykanka 2020: Nin ay aad isugu dhawyihiin Trump oo ugu baaqay inuu aqbalo in loogaga adkaaday codbixintii Mareykanka

0

Chris Christie (midig) muddo dheer ayuu xulafo la ahaa Madaxweyne Trump

Mid ka mid ah shakhsiyaadkii muhiimka ah ee aadka ugu dhaw Donald Trump ayaa waxa uu ku boorriyey in uu iska dhaafo dedaallada uu ku doonayo in uu u qiil dayo guuldarrada uu kala kulmay doorashada madaxtinnimada Mareykanka ee uu ku guulaystay Joe Biden.

Barasaabkii hore ee New Jersey, Chris Christie, ayaa waxa uu habdhaqanka kooxda sharciga ee madaxweynaha ku tilmaamay “fadeexad qaran”.

Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu diiday inuu aqbalo in loogaga adkaaday doorashada, isagoo so jeediyay eedo ah inay jireen wax isdabamarin baahsan oo dhanka doorashada ah arrintaas oo uusan wax caddayn ah u keenin.

Jamhuuriyiin badan ayaa waxa ay madaxweynaha ku taageereen dedaalkiisa dhanka sharciga hasayeeshee koox yar oo haatan sii badanaysa ayaa arrintaas ka horyimid.

Sabtidii ayey aheyd markii Mr Trump uu gobolka Pennsylvania kala kulmay war aanan farxadgelin, kaddib markii xaakim uu daaqadda ka tuuray dedaal sharci oo ay wadday kooxda u ololaysa Trump kuwaas oo doonayay in la laalo codadka malaayiin qof oo lagu soo diray dhanka boostada.

Garsoore Matthew Brann ayaa sheegay in maxkamaddiisa la soo gaarsiiyay “dodo sharci oo adag balse caddeymaha la soo dhigay ay ahaayeen kuwo aan xoogganeyn oo mala awaal u badnaa”.

Go’aankan maxkamadda ayaa waxa ay waddada u xaareysaa in gobolka Pennsylvania gelinka dambe ee Isniinta lagaga dhawaaqo guusha inay raacday Mr Biden oo ah madaxweynaha la doortay ee Xisbiga Dimuqraadiga uu gobolkaas ku hoggaaminayo in ka badan 80,000 oo cod.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, ololaha Trump ayaa waxa ay racfaan ka qaadanayaan go’aankaas maxkamadda.

Mr Biden ayaa la saadaaliyey in Madaxweyne Trump uu kaga guuleysanayo 306 cod oo codadka golaha doorashada ah – tiradaas oo ka sarraysa 270-ka cod ee loo baahnaa, halka Trump-na la saadaaliyay inuu helay 232.

Muxuu Chris Christie sheegay?

Mr Christie, barasaabkii hore ee New Jersey, oo Axaddii la hadlayay barnaamijka This Week ee warbaahinta ABC ayaa sheegay: “Xaqiiqdi habdhaqanka kooxda sharciga ee madaxweynaha waa ceeb qaran”.

Wuxuu sheegay in kooxda Trump ay inta badan ka hadlaan musuqmaasuqa doorashada “markii ay bannaanka maxkamadda joogaan, balse markii ay galaan gudaha maxkamadda ma qiranayaan wax isdabamarin ah mana keenayaan wax caddeyn ah”.

Mr Christie waxaa uu ahaa barasaabkii ugu horreeyay ee Mr. Trump ka taageeray musharraxnimadiisii xilka madaxtinimada ee 2016. Sidoo kale waxa uu ka caawiyay diyaarinta dooddii uu madaxweynaha kala hortagayay Joe Biden.

xigasho bbc