Madaxa Haayada WHO Oo Iska Fogeeyay Eedaymo Uga Yimid Dawlada Itoobiya.

0

Madaxa hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waxba kama Jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya oo ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigrayga.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Dr Tedros in uu u shaqeyso sidii Diblomaasi Tigray ah oo kale islamarkaana taageerro militari iyo Mid dhaqaale caalamka uga raadinayo Jabhada gooni u goosadka TPLF.

Hasse ahaatee Tedros ayaa sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan, islamarkaana uu taageersan yahay oo kaliya Nabadda iyo la joojiyo qalalaasha ka jira gobolka.