Gabdh la dhalatey prof alydh AHUN ayaa si adag ua hortimd baadhitaan la,aantii lagu aasey walaalkeed

0

Sida ay Warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya waxay dood adagi ka dhalatay aaskii Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxruum Cali Khaliif Galeydh, taas oo u dhaxeysay xubno kamid ah qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Haweeney la dhalatay Prof. Galeydh, oo lagu magacaabo Saafi Khaliif Galeydh ayaa Doraad gelinkii hore diiday in la aaso meydka iyadoo dalbatay in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo, hase yeeshee waxaa markii dambe go’aan gaadhay Garaadka beesha uu Maxruumka ka soo jeedo oo goobtaas ku sugnaa.

“Saafi waxay diidaneyd laba arrimood oo kala ah,

1) – In la aaso iyadoo aan lagu sameynin baadhitaan dhab ah & waxa sababay geeridiisa iyo

2) – In aan lagu aasin meel aan aheyn Laascaanood oo ah halka uu ka soo jeedo kana dardaarmay, balse markii dambe dowladda iyo Garaadka Beesha ayaa ku heshiiyay waana la aasay dood dheer kadib,

“Saafi waxay xitaa ku hanjabtay inay sun cabi doonto haddii Muqdisho lagu aaso, sidoo kalane la aaso isagoon la baadhin, markii dambe mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa dalbaday in la kaxeeyo, xaaladeedana lala socdo lana ilaalsho maadaama ay sheegtay in ay sun cabi doonto,”

Allah ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galeydh ayaa dhawaan si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Jigajiga ee Dhulka Soomaali Galbeed waxaana ilaa hadda geeridiisa ku geedaaman Su’aalo badan oo shaki abuuray.

Inkasta oo mas’uuliyiinta Jigjiga ay sheegeen inuu u geeriyooday COVID-19, haddana sarkaal ka tirsan ONLF ayaa sheegay in la sumeeyey, taasi oo dhalisay shaki iyo cadho xooggan.