Labo diyaaradood oo isku dhacay xilli ay hawada ku jireen

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil diyaaradeed oo kasaare dhimasho ka geystay waddanka Faransiiska.

Labo diyaaradood oo aan aad usii waaweyneyn ayaa isku dhaca iyagoo hawada ku jira kaddibna waxay ku burbureen bartamaha dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinteen shan ruux, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Shilka labada diyaaradood ayaa galinkii dambe ee sabtida ka dhacay magaalada Tours ee ku taalla koonfurta-bari ee waddankaas.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan qiyaastii 50 dab damis, ayaa loogu yeeray goobta.

Ma jirin cid kale oo waxyeello soo gaadhay markii ay diyaaradaha dhulka kusoo dhaceen.

Labada diyaaradood midda yar, oo siday labo ruux, ayaa ayaa ku dhacday xeyndaabka guri ku yaalla magaalada Loches, oo 46km u jirta magaalada Tours

Qof goob jooge ah ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in diyaaradda yar ay holacday islamarkiiba, maadaama ay ku dhacday keydka korontada ee gurigaas.

Diyaaradda weyn, oo nooceedu yahay Diamond DA40, ayaa iyana ku dhacday meel goobtaas u jirta 100m (328ft).

Waxaa saarnaa saddex dalxiise.

“Dhammaan shantii ruux ee la socday diyaaradaha way wada dhinteen,” ayey tiri sarkaal la hadashay AFP, oo lagu magacaabo Nadia Seghier.

“Shaqaalaha gurmadka shilalka dhinaca hawada ayaa laga keenay magaalada Lyon.”

Ma jirto sharraxaad dheeri ah oo ku saabsan magacyada iyo waddamada ay u kala dhaceen dadka dhintay. Waxaa kale oo aan ilaa hadda la ogeyn sababta ay labada diyaaradood isugu dhaceen.