BBC Nin xoola dhaqata ah oo si lama filaan ah ku noqday milyaneer

0

Nin u dhashay dalka Tanazania, kana mid ah dadka qodo macdanta dhulka, horayna u noqday maalin taajir bishii Juun ee sanadkan kadib marki uu iibiyay dhagax uu dhulka kasoo helay, lagana siiyay lacag dhan 3.4 milyan oo doollar ayaa markale waxaa uu soo helay qeyb kale oo isla dhagixii ah, kaas oo markale laga siiyay lacag dhan 2 milyan oo doollar.Nin xoola dhaqata ah oo si lama filaan ah ku noqday milyaneerNin u dhashay dalka Tanazania, kana mid ah dadka qodo macdanta dhulka, horayna u noqday maalin taajir bishii Juun ee sanadkan kadib marki uu iibiyay dhagax uu dhulka kasoo helay, lagana siiyay lacag dhan 3.4 milyan oo doollar ayaa markale waxaa uu soo helay qeyb kale oo isla dhagixii ah, kaas oo markale laga siiyay lacag dhan 2 milyan oo doollar.

Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer ayaa macdanta ama dhagaxa uu helay waxaa uu gaarayaa 6.3 kilo, waxaana lagu magacaabaa Tanzanite. Waa dhagax la sheegay in u dunida uu ku yar yahay.

Macdanta Tanzanie ayaa laga helaa oo keliya waqooyiga dalka Tanzania, waxaana laga sameeyaa waxyaabaha la isku qurxiyo.

Dhagaxan ayaa kamid ah kuwa ugu qaalisan dunida, waxaana khabiir arrimaha aathaarta uu sheegay in helitaanka dhagaxan ay tahay mid adag.

Dhagaxa Tanzanite ayaa waxaa uu leeyahay midaba dhawr ah, waxaana kamid ah buluug, guduud iyo midaba kale.

Qiimaha dhagaxan waxaa marwalba jaangooya hadba sida loo helo, waxaana qofka marka uu helo laga xaqiijiya in uu yahay dhagaxii dhabta ahaa, taas oo lagu ogaan karo qiimaha uu gaarayo.

Mr Lazier ayaa ku booriyay dadka isagoo kale ah ee ka shaqeysta macdanta inay la shaqeyaan dowladda, maadaama sida uu shegay khibradiisa ay tusaale wanaagsan u tahay.

“Haddii macdanta aad hesho ka iibiso dowlada, taas waxay ka dhigan tahay in aadan wado dheer u marin suuq geynta, dowladda warkeedu wuu cadyahay,” ayuu yiri Lazier mar uu ka hadlayay gudaha dalkaas.