Faahfaahin ku saabsan diyaradda sidday jaadka kenya ee laga sooo celiyay hawada Soomaaliya

0

Somaaliyaa ayaa xaqiijisay iney dib usoo celisay diyaarad sidday jaad oo laga leeyahay Kenya oo lagu eedeeyay iney jabisay tsaallabbyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsady oo dawladda ka tirsan. Faahfaahin ku saabsan diyaradda sidday jaadka kenya ee laga sooo celiyay hawada SoomaaliyaSomaaliyaa ayaa xaqiijisay iney dib usoo celisay diyaarad sidday jaad oo laga leeyahay Kenya oo lagu eedeeyay iney jabisay tsaallabbyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsady oo dawladda ka tirsan.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in diyaaraddaas ay Jimcihii celiyeen, markiii danbena ay ka degtay dalka Jabbuuti, ka hor inta aysan ku noqon Kenya.

Dhanka kale sida uu ku warramayo warageyka Daily Nation ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaa waxaa soo food saartray caqabad kale kaddib markii dib loo soo celiyay diyaaradasi sidday 11 tan oo jaad ah oo ku wajahnayd maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Waa markii labaad ee ay Soomaaliya soo celiso diyaarad ay Kenya leedahay oo sidday jaad muddo bil gudeheed ah.