Boqolaal qof oo ku sumoobay hilib ay maqaaxi ka cuneen

0

In ka badan 800 qof ayaa ku sumoobay kaddib markii ay ka cunteeyeen maqaaxi ku taalla duleedka caasimadda Urddun ee Cummaan, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaana geeriyooday canug yar oo isna la sheegay in maqaaxidan uu wax ka cunay.

Maqaaxidan ayaa lagu iibiyaa hilibka iyo cuntooyin kaleba, sida ay laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in hilibka aanan markii hore la gelin firinjeer isla markaasna baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday in hilibka uu ku dhashay bakteeriya.

Waxaana la xiray saddex qof oo uu kamid yahay milkiilaha maqaaxida.

Arbacadii afar qof oo kamid ah dadkan cuntada ku sumoobay ayaa la seexiyay qeybta xaaladaha deg dega ee cisbitaalka halka 321 qof ay xaaladdoodu wanaagsantahay, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Urddun, Sacad Jaabir.

“Dhammaan dadkaas waxay ka cunteeyeen hal maqaaxi ” ayaa laga soo xigtay wasiirka oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhacdadan ay haatan baarayaan.