BBC Nin ‘nabinnimo sheegtay’ oo maxkamad dhexdeed lagu toogtay

0

Ninka hubeysnaa ee dilka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Khalid – mana cadda sida ay ugu suurtagashay inuu hub la galo maxkamadda dhexdeeda

Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo ayaa toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar.

Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi.

Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil.

Inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar.

Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.

Subaxnimadii saaka, oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan.

Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa meydkiisa oo saaran mid ka mid ah kuraasta maxkamadda.

Ninka weerarka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta. Muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran, oo ku qeylinaya ninka uu dilay, isagoo ku tilmaamaya “cadowga Islaamka”.

Mr Naseem waxaa markii ugu horreysay eedeeyay wiil lagu magacaabo Awais Malik, oo arday ka ah madaraso ku taalla magaalada Peshawar.

Sida lagu sheegay eedeynta, Mr Naseem ayaa wiilkaas khadka internet-ka kula hadlay isagoo ku nool waddanka Mareykanka.

Mr Malik, ayaa BBC-da u sheegay inuu markii dambe Mr Naseem kula kulmay dukaan ku yaalla magaalada Peshawar, si uu ugala sheekeysto waxa uu ka aaminsan yahay diinta, kaddibna uu booliska ku dacweeyay.

Ninka la dilay ayaa laga soo duubay muuqaallo

Wuxuu intaas ku daray in uusan maanta goob joog ka ahayn maxkamadda, wax war ahna uusan ka heynin toogashada dhacday.

Ninka dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Khaalid. Wali ma cadda sida ay ugu suurtagashay inuu maxkamadda dhexdeeda la galo hub.

Mr Naseem wuxuu ku dhashay dariiqada diimeed ee loo yaqaanno Axmadiya, oo looga dhaqmo meelo ka mid ah Pakistan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ururka bulshada.

Laakiin wuxuu intaas ku daray inuu ka baxay dariiqadaas, uuna sheegay inuu nabi yahay.

Hoggaamiyaha bulshada ayaa xusay in Mr Naseem uu ahaa qof maskaxda looga jiro

Dadka u dooda xuquuqqda aadanaha ayaa sheegay in gacanta birta ah ee lagu qabto dadka ku xad gudba diinta ay saameyso oo kaliya dadka kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay, lana dhiirrigaliyo weerarrada loo geysto dadkaas.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, tobannaan qof oo lagu eedeeyay arrimahaas ayaa lagu dilay kacdoon ay dad shacab ah sameeyeen.

Dhinaca kale, hadda waxaa baraha bulshada ee dalka Pakistan si weyn loogu hadal hayaa qof Twitter-ka isticmaala oo lagu eedeeyay inuu nabinnimo sheegtay. Dad badan ayaa u gooddinaya qofkaas.

Hase yeeshee, dad u cabsi qaba nabadgalyadiisa ayaa isku dayaya inay ka hor tagaan eedeymaha loo jeedinayo.