BBC WARBIXIN CAJIIBA,Waxaa la i helay anigoo ku duuban jaakadda hooyadeey – laakiin kumaan ahay?’1942 ayaa la iga helay wabiga jeenkiisa anaigoo 4 wiig jiray

0

Tony May wuxuu jiray dhowr isbuuc oo kaliya markii lagu tuuray qarka wabiga Thames ee magaalada London, xilli uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Muddo 70 sano ah waxba kama uusan ogeyn cidda ay yihiin waalidiintiisa. Kaddib baaritaan DNA ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday arrimihiisii hore.

Dabayaaqadii 1942-kii, cunug yar ayaa la geeyay saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow dhismaha baarlamaanka ee magaalada London.

Waxaa la helay isagoo ku duuban jaakad midabkeedu buluug yahay, oo yaalla waddo geedo leh oo marta dhinaca waqooyi ee wabiga Thames.

Wiilka yar waxaa lagu qiyaasay inuu markaas jiray hal bil, markii cid sheegata ay imaan weysayna waxaa loo sameeyay maalin ku asteysan dhalashadiisa.

Wuxuu sidoo kale u baahnaa in magac loo yeelo. Xilligaas waxaa caan u ahayd in ilmaha loogu magac daro goobaha laga helo – sidaas darteedna magaciisa wuxuu noqday Victor Banks. “Erayga banks fasiraaddiisa waa wajiba jiinkiisa).

“Waligeyba waxaan isweydiin jiray cidda ay waalidiinteyda yihiin iyo sababta ay ii dayaceen, waxayna ila tahay in taasi ay ahayd waxa ugu weyn.”

Tony hadda waxay da’diisa dhaaftay 70 sano. Inkastoo uu u muuqdo nin sii cuslaaday, haddana codkiisa wuxuu leeyahay tamar badan.

Markii waalidkiisa saxda ah la waayay waxaa soo korsaday qoys kale.

“Hooyadey iyo aabahay, oo la kala yiraahdo Arthur iyo Ivy, ma aysan lahayn walaalo, waxa kaliya oo ay lahaayeen waxay ahaayeen saaxiibbo ugu yeera abti iyo habaryar. Anigana aad bay ii jeclaayeen.”

Lamaanahan waxay la wareegeen Victor Banks oo cunug yar ah, sanadkii 1944-kii, waxayna magaciisa u baddaleen Tony May.

Waxay sidoo kale qoyskooda kusoo biiriyeen gabar yar oo kale, taasoo noqotay Tony walaashiis. Tony wuxuu xasuustaa in taariikhdiisa iyo in qoyska ay soo korsadeen loo sheegay markii ay da’diisa ahayd toddobo sano.

Wax sidaas u sii weyn ma ahayn runtii. Laakiin waxaan xasuustaa walaashey oo cid walba u sheegeysa in nala soo korsaday, anigana waxaan markaas dareemay ceeb.”

Tony wuxuu noqday arday ku fiican waxbarashada iskuulka iyo dhinaca ciyaaraha, wuxuuna heer fiican ka gaaray kiriket-ka.

Waalidiintiisa badanaa ma aysan sheegi jirin inuu yahay cunug ay soo korsadeen kaliya.

Tony wuxuu qisadiisa ku saabsan in wabi agtiis laga soo helay shaaciyay maalintii uu arooskiisa dhacayay.

Xilligaas waxay da’diisa ahayd 23 sano.

Tony wuxuu helay shaqo bangi, sida aabihiis oo kale, kaddibna wuxuu ku biiray waaxda shaqaaleysiinta. Wuxuu sidoo kale aabe u noqday labo carruur ah.

Isagoo dib u xasuusanaya taariikhdiisa ayuu ka warramayaa in ay saameyn ku yeelatay inuusan garan jirin meesha uu asal ahaan ka yimid.

“Waxaan ka walwali jiray in shaqada ay hallowdo, taasoo micnaheedu yahay inaan dadaal adag galin jiray si ay wax walba u toosnaadaan. Marka ay xisaabiyeyaasha bangiga ii imaadaan waan ku guuleysan jiray la xisaabtankooda.”

Markii ay waalidiintii soo korsaday geeriyoodeen ayuu Tony billaabay inuu baaritaan ku sameeyo waalidiintiisii saxda ahaa iyo halka ay kasoo jeedeen.

Meeshii ugu horreysay ee uu wacay waxay ahayd xafiiska diiwaan galinta dadka ee London. Wuxuu aad ula yaabay in markii uu meeshaas tagay loo oggolaan waayay inuu helo warqadihii ay waalidkii soo korsaday kula wareegeen mas’uuliyaddiisa.

Sharciga markaas jiray wuxuu ahaa in qof arrimaha bulshada ka shaqeeya uu damiin ka noqdo.

Warqadaha waxay muujiyeen in markii wabiga jiinkiisa laga helay 19-kii bishii December ee sanadkii 1942-kii, loo qaaday saldhiggii booliska ee la oran jiray Canon Row, kaasoo ku yaallay meel u dhow buundada Westminster.

Laakiin lama sheegin qofkii helay iyo maalinta la helay waqtigeeda. Islamarkii lagu baaray isbitaalka Chelsea, waxaa loo qaaday xarun caafimaad oo ku taalla Hertfordshire, halkaasoo loo geeyay si uu uga badbaado halista banbooyinkii la isku garaacayay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

vy May

Victor yare wuxuu markii ugu horreysay kula kulmay Arthur iyo Ivy May xarunta caafimaadka ee Easneye.

Warqadaha ku jiray feylka Tony waxay muujiyeen in Arthur iyo Ivy ay booliska ka codsadeen inay u sheegaan macluumaad ku saabsan taariikhdiisa.

Dadaal badan ayaa loo galay in wax laga ogaado arrimahaas laakiin howlihii la qabtay oo dhan waxay ku idlaadeen guuldarro.

Isagoo qarka u saaran inuu rajo dhigo, ayuu Tony go’aansaday inuu sheekadiisa u bandhigo warbaahinta, si ay uga caawiyaan haddii ay suurtagal tahay inuu qof uun wax soo xasuusto.

1990-meeyadii, wuxuu kasoo muuqday TV iyo wargeys, codkiisana waxaa laga baahiyay raadiyaha.

Qaar ka mid ah kalkaaliyeyaashii ka shaqeynayay xaruntii caafimaadka ee Easneye, xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa kasoo jawaabay dhawaaqiisa, laakiin Tony ma uusan helin wax xog ah oo u dhow arrimaha la xiriira dhalashadiisa.

“Waan quustay. Waxaan u maleynayay in uusan jirin qof dadaal intaas ka badan bixin kara, sidaas darteed waan rajo dhigay,” ayuu yiri.

Kaddib, afar sano ka hor, Tony wuxuu ku biiray “Facebook group” looga hadlo arrimaha carruurta la helay iyagoo kaligood meel lagu tuuray.

Dadka halkaas ku jiray waxay isweydaarsanayeen sheekooyinkooda iyo sababaha ay macquulka tahay in loo dayacay.

Tony wuxuu u maleynayay in ay iska dhaleen hooyo British ah iyo askari Mareykan ah, oo markaas ku sugnaa ingiriiska.

Waxaa la qiyaasay in ilaa 22,000 oo carruur ah ay habkaas ku dhasheen intii u dhaxeysay sanadihii 1942-kii ilaa 1945-kii.

“Waxaa la iga helay London, waana ogahay in halkaas ay ka dhacayeen arrimahaas,” ayuu yiri.

Facebook ayuu qisadiisa ku bandhigay, taasina waxay horseedday isbaddal weyn oo ku dhacay noloshiisa.

Qoraalkiisa waxaa aragtay Julia Bell, oo ah aqoonyahanad ku xeel dheer aqoonsiga jinsiyadaha, islamarkaana tijaabada hiddasidaha DNA u adeegsatay baaritaanka askar Mareykan ah oo aabe u ahaa carruur dhalatay xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Kiiskii ugu horreeyay ee Julia ay ku guuleysatay wuxuu ahaa helitaanka awowgeed, oo ka tirsanaa ciidamadii cirka ee Mareykanka.

Julia Bell waxay raadineysay kiis kale oo ay xalliso

Julia waxay ku faraxsaneyd khibradda ay ka heshay kiisaskii ay horay uga shaqeysay, laakiin waxay raadineysay kiis cusub oo caqabad ah.

“Si fudud ayaan guul uga gaarayay kiisaska la xiriira ciidamadii Mareykanka. Dhammaantood way ogaayeen hooyooyinkood, laakiin aabayaashood ma aysan aqoonin. Waxaan ka fikiri jiray sida ay xaaladdooda tahay dadka aan hooyo iyo aabe midna aqoonin,” ayey tiri.,

Waxay billowday inay ka war doonto kiisaska ku saabsan carruur carruurta la iska dayacay, muddo yar kaddibna waxay heshay qisada uu Tony ku qoray Facebook.

Julia waxay ku faraxsaneyd khibradda ay ka heshay kiisaskii ay horay uga shaqeysay, laakiin waxay raadineysay kiis cusub oo caqabad ah.

“Si fudud ayaan guul uga gaarayay kiisaska la xiriira ciidamadii Mareykanka. Dhammaantood way ogaayeen hooyooyinkood, laakiin aabayaashood ma aysan aqoonin. Waxaan ka fikiri jiray sida ay xaaladdooda tahay dadka aan hooyo iyo aabe midna aqoonin,” ayey tiri.,

Waxay billowday inay ka war doonto kiisaska ku saabsan carruur carruurta la iska dayacay, muddo yar kaddibna waxay heshay qisada uu Tony ku qoray Facebook.

Way isu sheegtay, waxayna u soo bandhigtay caawinaad bilaash ah.

“Waxaa irir maxaa diidaya inaad i caawiso?” ayuu yiri Tony.

Short presentational grey line

Markii ugu horreysayba, Julia waxay howsheeda ka billowday inay baarto meelaha lagu keydiyo wargeysyadii soo bixi jiray 1942-kii.

Waxay heshay qoraal gaaban oo looga hadlayo helitaankii Tony.

Qoraal baafin ah oo wargeyska ku qornaa ayaa u dhignaa sidan: “Wiil indho buluug ah leh, oo 4 isbuuc jira, ku duuduuban jaakad ay haweeney leedahay ayaa isagoo dayacan laga helay Embankment.”

Julia waxay isweydiisay in Tony looga tagay degdeg awgiis, arrintaasina aysan ahayn wax lasii qorsheeyay.

Kaddib waxay go’aansatay inay u weecato dhinaca baaritaanka DNA-da. Waxay xilligaas ahayd 2016-kii, oo ay aad u badnaayeen kiisaska ku saabsan raadinta qoysaskii askarta Mareykanka iyo Ingiriiska.

Baaritaanno tixraac ah oo ay sameysay ayey Julia kusoo heshay xubno ka tirsan qoyska saxda ah ee Tony, sidaasna waxay ugu guuleysatay inay hesho waalidiintiisa dhabta ah

xigasho BBC