AyaSofiya.Madaxa arimaha diinta Turkiga ayaa minbarka u baxay si uu khudbadii jimcaha u akhriyo

0

Madaxa arimaha diinta Turkiga ayaa minbarka u baxay si uu khudbadii jimcaha u akhriyo, isaga oo gacanta ku sita seeftii laftigeedii uu 567 ka hor Suldaan Maxamed Alfaatix ku qabsaday AyaSofiya.Ka dib 53 maalmood oo uu go’doomin ku hayey, Maxamed Alfatix 29.05 1453 ayuu gacanta ku dhigay Istanbuul. Suldaan Maxamed wuxuu markiiba booqday AyaSophia, wuxuu galay isaga oo faras ku jooga oo seeftaana gacanta ku sita. Waxaa uu halkaa ugu khudbadeeyey Madaxdii imbiraadooriyadii jabtay oo Kaniisadaa isugu ururay si ay ugu nadab galaan. Sida ay qortay taariikhdu,

wuxuu Suldaan Maxamed u sheegay in aan cidina waxba yeelayan, waxaana laysku raacsan yahay in aan hal qofna laga dilin. Ka dib afar qarni oo ay Masjid ahayd, 1934 ayaa musxaf loo bedelay, 86 sano ka dib ayaa maanta waxaa ku tukaday tobanaan kun.Khudbadii jimcaha maanta ka hor, Madaxwayne Ordogan ayaa akhriyey Suuratul faatixa iyo aayadaha ugu horeeya suuratul albaqara.Arinta AyaSophia saamayn wayn ayey ku yeelatay saaxada Turkiga iyo caalamkaba.

ALI XASAN MAXAMED