Taiwan iyo Somaliland oo Aqalka Cad e maykanku uu ku amaanay xiriirka cusub ee ay yeesheen

0

Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.”

“Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press.

Xiriirka xun ee kala dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xiriir la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano Qaramada Midoobeey.

Sidoo kale inta badan hay’adaha caalamiga ah waxay xiriir toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah.

“Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xiriir ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto,” ayaa lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka.

“Taiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan!” ayaa ka mid ahaa wixii lagu qoray barta NSC.

Farriintaas waxay daba socotay heshiiska dhowaan ay wada saxiixdeen Taiwan oo Shiinaha uu u aqoonsan yahay gobol dalkiisa ka tirsan iyo Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

NSC@WHNSCGreat to see #Taiwan stepping up its engagement in East #Africa in a time of such tremendous need. #Taiwan is a great partner in health, education, technical assistance, and more!

Sidoo kale, Farriinta dowladda Mareykanka waxay imaaneysaa ka dib markii Shiinaha uu sheegay inuu diidan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland.

Shiinaha wuxuu doonayaa in Taiwan ay militari ahaan hoos timaado maamulkiisa. Balse afti laga qaaday shacabka Taiwan waxay si aqlabiyad ah u diideen in siyaasad ahaan ay ula midoobaan Shiinaha.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa iyana ka soo hor jeesatay xiriirkaas labada dhinac dhexmaray.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in Soomaaliya ay ka go’day bishii May ee sannadkii 1991, ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

In kastoo beesha caalamka aysan u aqoonsanayn dowlad ahaan, haddana waxay sameysatay maamul u gaar ah oo shaqeynaya, lacag iyo hannaan amni oo ay u madaxbannaan tahay.

Heshiiska Taiwan iyo Somaliland oo lagu dhawaaqay 1-dii bishan July, ayaa dhigaya in wakiillo ay isu soo kala magacaabaan labada dhinac oo Hargeysa iyo Taipei kala fadhiisan doona.

Marka xafiisyada la furo, labada dhinac waxay ka wada shaqeyndoonaan arrimo ay ka mid yihiin Beeraha, macdan qodidda, kalluumeysiga, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta Macluumaadka Teknolojiyadda, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Joseph Wu.

Wuxuu intaa ku daray in “labada dowladood ay ku heshiiyeen billaabidda xiriir ku saleysan saaxiibtinimo iyo wadaagidda qiyamka ay ka mideysan yihiin ee ah xuriyadda, dimuquraadiyadda, cadaaladda iyo sharciga iyo kala dambeynta”.

Wu iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Yasiin Maxamuud, ayaa wada saxiixay heshiiska laba geesoodka ah oo ka dhacay magaalada Taipei, bishii February ee sannadkan, sida ay warbaahinta Mareykanka qorayaan.

Taiwan waxay sannadkastaa bixisaa waxbarasho lacag la’aan ah oo ay siiso 3.9 milyan oo qof oo daafaha caalamka ka kala yimaada.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian, ayaa sheegay in “dowladdiisa ay sii wadeyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya”.

Wuxuu Taiwan ku eedeeyay “dhibaateynta madaxbannaanida Soomaaliya iyo sharafta dhuleed”.

Mareykanka oo $620 milyan oo gantaallo difaac ah u ansixiyay Taiwan

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay dhaqaale gaaraya $620 milyan oo dollar oo lagu sii horumarinayo gantaallada dhulka ee Taiwan illaa kuwa circa, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda ee maamulka Donald Trump.

Waxay sheegtay in arrintan Mareykanka ay tahay mid lagula tacaalayo “halista sii kordheysa ee Shiinaha”.

Dowladda Mareykanka, sida dowlado kale oo badan, xiriir toos ah oo diblumaasiyadeed lama lahan Taiwan, balse waxaa sharci ku ah in maamulkaas dimuquraadiga ah ay difaacaan, waxkasta oo ay qaadato.

Shiinaha wuxuu aalaaba ka soo horjeestaa in Mareykanka uu hub ka iibiyo Taiwan.

Taiwan waxay codsatay in hubkan casriga ah laga iibiyo “si ay u caawiso sii jiritaankeeda 30-ka sano ee soo socota,” ayey tiri Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan waxay sheegtay in ay fileyso in hubkan ay hesho bisha soo socota.