Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Faransiiska François Fillon iyo xaaskiisa ayaa lagu riday xukun xarig ah kaddib markii lagu helay dambi inay ku lug lahaayeen sameynta shaqo been abuur ah.
François Fillon oo ahaa siyaasi ka tirsanaa xisbiga conservative-ka ayaa lagu helay dambi ah in xaaskiisa Penelope Fillon uu mushaar ahaan u siin jiray $1.3m kaddib markii la siiyay shaqo aysan weligeed qaban oo ah inay kamid aheyd shaqaalaha baarlamaanka.

Waxaana Ra’iisul wasaarihii hore ee Faransiiska lagu riday shan sanno oo xarig ah, waxaana meesha laga saaray saddex sanno oo kamid ah shantaas sanno.
Fadeexaddan waxay horseeday in uu meesha ka baxo damaciisii ahaa in uu tartarmo doorshadii madaxtinimada dalkaas sannadkii 2017-kii.
Waxay go’aankan maxkamadda ka qaateen racfaan taas oo meesha ka saareyso in si deg deg ah loo xiro Fillon.

Ninkan 66 jirka ah, waxaa uu noqonayaa siyaasi hayay xil sare oo Faransiis ah oo lagu rido xukun xarig ah tan iyo sannadkii 1958-dii.
Go’aanka maxkamadda

Garsooraha maxkamadda waxaa uu sheegay in Mrs Fillon lagu helay dambi ah in loo sameeyay shaqo been ah, waxaana sidoo kale lagu helay dambi ah in ay lunsatay lacagta dadweynaha.
Waxaana François Fillon iyo xaaskiisa lagu ganaaxay $423,000 oo doolar, waxaa sidoo kale lagu amray inay soo celiyaan €1m oo lacagta giniga ah kaddib markii Penelope Fillon la sheegay inay ka shaqeyneysay baarlamaanka laga bilaabo sannadkii 1998-dii ilaa 2003-dii.
Seygeeda waxaa laga mamnuucay in muddo 10 sanno ah wax shaqo ah ka qabto xafiis dawladeed.
Waa kuma François Fillon?
Muddo tobonaan sanno ah ayuu siyaasadda Faransiiska kusoo dhex jiray, waxaa uu soo noqday xildhibaan iyo wasiir, kaddib , waxaa uu noqday Ra’iisul wasaarihii Faransiiska intii u dhexeeysay 2007 iyo 2012 xilligii dowladdii madaxweyne Nicolas Sarkozy.
Sannadkii 2017-kii waxaa uu ku guuleystay doorashada ee xisbiga midigta dhexe ee Jamhuuriga balse waxaa loolankiisii madaxtinimada caqabad ku noqday eedeymaha loo jeediyay.
Jariiradda Le Canard Enchaîné ee ka faalooto siyaasadda ayaa ku eedeysay xaaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Faransiiska in shaqo been abuur ah laga siiyay baarlamaanka sagaashammaadkii ilaa 2000.
Waxaa uu beeniyay eedeymaha loo jeediyay, wuxuu ka dhawaajiyay in dadka kasoo horjeedo siyaasaddiisa ay wadeen olole ay ku horjoogsan rabeen ololahiisa doorasha