Degaamayn Ka Socota Xeebta Ceel garde e Berbera, iyo baqdinta Laga qabo in Marlabad Colaad ka Aloosanto

0

Berbera(Biyo Guure .com )-Wararka Ka Imaanaya Degaanka Ceelgarde ee Xeebta bariga Berbera oo 121km ujira magaalada ayaa waxaa kasoo cusbaanaaday Khilaaf hore u sababay dhibaato xoogan oo iska hor imaad ukeenay dadka degaankaasi wada degan sanadkii 2016 Xogta Wararka kasoo baxaya ayaa sheegaya in dad is Urursaday ay degaankaasiceelgarde ka bilaabeen inay ka samaystaan dhul la dayrayo iyo beero sharcidaro taasoo siday warbaahinta u shegeen odayaal degaankaasi ahi macnaheedu yahay degaamayn cusub oo halkaasi laga yagleelayo waxaanay odayada deegaanku sheegeen in arinkaas deg deg wax looga qabto iyadoo sida lawada ogyahay Xukuumadii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay Xayiray dekad macmal ah oo sife sharcidaro ah looga Sameynaayay xeebta Ceelgarde,markii dhibaato laxaad leh ay ka dhacday oo sababi gaadhay in dagaal beeleed Degaankaasi ka qarxo sanadkii 2016,

Hadaba Wararka kale ee Warbaahintu ka heshay degaankaasi Ceel Garde ayaa tibaaxaya in hay,adaha Amingu ka War Helleen Guuxa ka jira Degaankaasi iyo deegaamaynta sharcidarada ah oo ay uga baqeen in gacan ka hadal ka dhaco,

Waxaany haayadah amniga Gobolka Saaxil Soo Xidh Xidheen dadkii halkaas ka samaynsanayay beeraha iyo seesaska sharcidarada ah maalintii khamiistii ee bishu ahayd 16/4/2020 , dadkan ayaana loosoo xidh xidhay xaga amaanka iyo dhul ay iska calaamadaysteen oo sharci daro ah, sida ay warbaahinta Madaxbanaani xogta ku heshay, laakiin ragaasi waa lasoo daayay manta oo bishu ahayd 19/4/2020 sida ay warbaahintu xog kale oo rasmiya kuheshayna amarka ragan lagu sii daayay waxaa soo bixiyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ilaa hadana hawshii deegaamaynti waa ka socotaa deegaankaas Ceelgardi,

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Beeraha Dhirta Timirta Ah Lagu Beeray Iyo Dhulalka La Calaamadsaday