Dagal Beeleedka Fadhi gaab Gacan Adag ayaanu ku qabanaynaa, madaxwaynah jamhuuriyada Somaliland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dawlad ahaan aanay waxba la hadhi doonin joojinta dagaallo beeleedyo saaka laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray degmada fadhigaab ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Biixi wuxuu sheegay Ciidamada iyo kuwa booliska ee Somaliland iney ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiya beeleedyadaasi dirirsan oo midba ay aag ku horjoogsadeen.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dirir dhawrkii sano ee u danbeeyay gobolkaasi meelo ka mid ah ku dhexmaraysay maleeshiyo beelaadyo iska soo horjeeeda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo BBC-da wareysi gaar ah siiyey wuxuu wareysiga uu kaga warramay arrima ay ka mid yihiin dagaal beeleedka, sanduuq dhaqaale oo ay dawladiisu ku shubtay 3 milyan oo doolar oo loogu talogalay la dagaallanka Covid-19, arinta masaajiidda iyo qaadka. Marweliba oo uu dagaalkaasi dhaca dowladda intey gurmato oo ay ciidan kala dhexdhigto ayaa xalka loo doonaa Culimada iyo waxgaradka, inta uu dagaalkaasi socdayna marweliba waa la soo gabgabeeyaa si diimeed, si dhaqameed iyo si dowladeedba marweliba waxaa la yirahdaa waa la heshiiyey waa la isdhaarsadaa marka la soo dhaqaaqana halki unbuu ka billaawdaa” ayuu yiri madaxweynuhu