Atoore u dhashay waddanka Indonesia ayaa billad loo guddoonsiiyay inuu ku guuleystay jilaaga ugu fiican dalkiisa waxa uu u hibeeyay atooraha caanka ah ee reer Hindiya, Sharukh Khan, sheekadan ayaana soo jiidatay xidigga shirkada filimada ee Bolywood-ka.
Muhammad Khan, oo ka hadlayay fagaarihii uu billadda ku hantay, oo dadweyne farabadan ay buuxeen, ayaa mahadcelin gaar ah siiyay Sharukh Khan, wuxuuna sheegay in jilaaga lagu naaneyso “boqorka bollywood” uu ahaa sababtii uu atooraha ku noqday.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahceliyo, atooraha kaliya ee aan taageero, Boqor Khan, Sharukh KhanRun ahaantii waxaad ahayd sababtii keentay inaan anigu ku fikiro inaan noqdo atoore. Markii aan 10 sano jir ahaa ayaan qaatay go’aankaas. Sidaas darteed, caawa waxaan jeclaan lahaa inaan abaalmarintan kula wadaago adiga, waxaana rajo ka qabaa inaan mar uun kula kulmo doono”.
Muhammad ayaa markaas ka dib hees hindi ah u qaaday Sharukh Khan, wuxuuna mararka qaar ku hadlayay luqadda Hindiga.
Kumannaan qof ayaa muuqaalkiisa ku baahiyay baraha bulshada, ilaa ugu dambeyn uu arkay Mr Khan.
“Aad baan ugu faraxsanahay guusha aad gaartay. Mar dhow ayaan kula kulmi doonaa. Noloshu kahuu wacnaato, siina wad dareenkaaga ku aaddan dhinaca jilliinka….& Waan u mahad celinayaa dhammaan dadkii isoo gaarsiiyay arrintan”, ayuu yiri Sharukh Khan oo qoraal iyo muuqaalka atoorahaas soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
I am so glad for your success. Will meet you soon. Have a good life and keep feeling as an actor….& Thks everyone for bringing this to my notice. https://twitter.com/iamsrk_brk/status/1203918362641723392 … JUST A FAN. @iamsrk_brk “I dedicate this award to King Khan. You are the reason why I became an actor. I hope I can meet you”: Muhammad Khan (an Indonesian new actor who won Piala Citra for Best Actor in a Leading Role).
Inspiring level reached International Level. @iamsrk
Ma aha markii ugu horreysay ee uu Sharukh Khan u jawaabo taageerayaashiisa aad ula dhacsan, kuwaasoo mararka qaar uu si toos ah ula kulmo, ama xaflado u qabto.
Bishii Maarso ee sanadkan, mid ka mid ah taageerayaasha ku taxan jilaagan ayaa su’aal la yaab lahayd weydiiyay Khan, isagoo meel fagaare ah ku sugan.

Hase yeeshe Shah Rukh ayaa ka bixiyay jawaab aad u soo jiidatay dadka.
“Walaal , jacayl iyo nasiib waxay wehel kula noqon karaan mar uun, marka laba da waxaan ka helay xaaskayga Gauri”, ayuu yiri Shah Rukh..
Shah Rukh ayaa guursaday xaaskiisa Gauri 1991-kii kaddib muddo lix sano ah oo ay is wada yaqaaneen. Waxay noqdeen waalidiin markoodii ugu horreysay 1997-kii oo uu dhashay wiilkoodii ugu horreeyey 2000-kii, iyo wiilka ugu yar qoyskooda AbRam oo dhashay 2013-dii.