Muran xanaaq dhaliyay oo dhex maray musharraxa madaxweynaha Mareykanka iyo nin shacab ah

0

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden, oo hadda ka mid ah musharraxiinta ugu cad cad ee u taagan doorashada madaxweynaha dalkaas, ayaa si caro leh ula hadlay nin rayid ah oo kula dooday goob uu kula hadlayay dad.

Mr Biden, oo booqasho ku joogay gobolka Iowa, ayaa hadallo aad u qallafsan la wadaagay ninkaas, waxaana dhacdadan ay noqotay mid ay si weyn u hadal hayaan warbaahinta Mareykanka iyo kuwa kale ee guud ahaan caalamka.

Hadalladii uu ninka yiri, ee aadka uga careysiiyay Mr Biden waxaa ka mid ahaa: “Wiilkaaga adiga ayaa u dirtay inuu kasoo shaqeeyo shirkad gaaska qaabilsan oo laga leeyahay Ukraine, waadna ogeyd inuusan waxba ka aqoonin howlaha noocaas ah”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka ayaa waayadanba lagu eedeynayay arrimo musuq la xiriira oo la sheegayay inay Ukraine ka sameeyeen isaga iyo wiilkisa, inkastoo uu isagu mar walba beeniyo.

Sidoo kale ma jiraan wax caddeymo ah oo ilaa hadda loo hayo arrimahaas.

Dhageysiga kiiska ku saabsan mooshinka lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweyne Donald Trump waxaa saldhig u ah eedeymo loogu jeediyay Madaxweynaha inuu dowladda Ukraine cadaadis ku saaray inay furto baaritaanno ka dhan ah wiilka uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii xukuumaddii Brack Obama, Hunter Biden.

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa laga arkayay Biden iyo nin ka mid ah dadka codeynta doorashada ka qeyb qaata oo hadallo isku dhaafsanaya munaasabad uu ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenkii hore.

Ninka oo markaas gacanta ku heystay makarafoon ayaa Biden ku yiri: “Kulligeen waan ognahay in Trump uu isku qasay waxyaabo ku saabsan Ukraine, isagoo ka xannibay dhaqaalihii gargaarka ahaa si uu ugu khasbo inay billaabaan baaritaan adiga kaa dhan ah, taas waan ka wada warqabnaa dhammaanteen. Laakiin dhanka kale adigana, waxaad wiilkaaga u dirtay Ukraine, si uu shaqo uga helo, ugana howlgalo shirkad ka shaqeysa gaaska, taasoo uusan wax khibrad ah u lahayn, ujeeddaaduna waxay ahayd inaad hesho sabab aad Trump ula xiriiriso madaxweynaha Ukraine, sidaas awgeed waxaad iibineysaa qaabka fursad loogu helo madaxweynaha….”.

Halkaas markii uu marayay waxaa hadalkii ka dhex galay Biden, oo ku yiri: “Waryaa beenaale xun ayaad tahay, arrintaasi run ma aha qof waligiis sheegayna ma jiro”.

Muranka siyaasiga iyo ninka rayidka ah ayaa halkaas kasii socday ilaa markii dambe uu Biden oo careysan yiri: “Ma rabo inaan muran kula sii wado”.

Sheekada la xiriirta Joe Biden iyo wiilkiisa ayaa xiisad siyaasadeed oo aad u wey ka abuurtay Mareykanka, waxaana hadda socda dacwad ka dhan ah madaxweyne Trump, maadaama lagu heysto inuu si sharci darroi ah isugu dayay sidii uu fadeexad u galin lahaa Biden oo ah musharraxa ugu weyn ee ay isku wajihi karaan doorashada soo socota sanadka dambe.