Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Xadhiga Uu Ku Xukuman Yahay Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon

0

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay xabsiga uu ilaa hada ku jiro suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah war fidiyeenada somaliland

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu sharci daro ku tilmaamay xadhiga uu ku xukuman yahay suxufiga Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Qoraalka uu soo saaray siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa u dhignaa sidan

Ninkaa Coldoon Ilaahay isaga iyo qoyskiisa, wiilka u dhashay dhawaan ha mideeyo. Dulmigu Ma fiicna runtii waana waxa umaddaha lagu haliigo.

Kuwii Wixii sharcigu mamnuucayey sameeyey ee madax muxaafid iyo mucaarid lahaa ee weliba la kulanka madaxda Soomaliya isku soo sawiraa maalin walba waynu aragnaa. Ninkaasina beri ayaa lagu xidhay Madaxweyne Farmaajo ayaad isla soo sawirtay.

Fadliga maalintaa Jimcaha Ilaahay baa awood lehe aynu u ducayno. Ninkaasi Burco ayaanu isku baranay xilli ilaa imika 7 sano laga joogo isagoo samafal wada ayuun Baan arki jiray. Waa ninka dameer lug wax ka noqday xataa u damqaday. Ilaahay ha gargaaro dadka wanaagsan.