Xil Qabile Madaxweyne Is Adkaynta Iska Daa, Oo Ku Dedaal Inaad Yeelato Sifooyinka

0

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu la yimaado sifooyinka hogaamiyaha muuminka ah, isla markaana uu dulqaad muujiyo, sida ugu haboona uu wax uga qabto arinta Ceel-afweyn.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay kulankii dhawaan dhexmaray Madaxweynaha iyo Odayaasha Beesha Garxajis, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynuhu wuxuu Burco ka yidhi hashu maankeyga gaddaye ma masaar bey liqday waxaan leeyahay Madaxweyne adiga ayaa maanta garbaha ku sita masaarkii, maxaa yeelay Waayeel ma dhaafan ah, Madax-dhaqameed iyo Odayaal ayaa ku yimid, wey ku xog warameen, adiguna wax baad tidhi, laakiin Taliye iyo Ciidankiisu ma kala hadhi karaan, oo lama kala saamixi karo,ee Madaxweyne waayeelka ma dhaafkanka ah ee walib abtiyaashaa ah wanaaga ay muujiyeen iyo duurxulka maad garan, ee dhinac kale ayaad u kacday, iyaguna si duurxula ayey wax kugu sheegeen, waxay ahayd inaad fahanto oo arinta ay kula yimaadeen aad tixgeliso, maantana Odayaashaasi Waayeelka ah ee Salaadiinta iyo Wax-garadka iskugu jira ee abtiyaashi ahi go’aankii aad ku adkaysatay ayey kula qaateen, waana u mahadnaqayaa, dabcan waxayna garwaaqsadeen in is adkayn ka soo socoto mooye, aanu tanaasul iyo dabacsanaan dambe aanay kala kulmayn, balse qofka muuminka ah waxaa laga rabaa inuu ku sifoobo afar sifo oo kala ah dulqaad, deeqsnimo, weji furnaan iyo Samir, hogaamiyaha muuminka ahna waa inuu afartan sifo yeesha, laakiin adigu hore ayaad u tidhi dulqaadku waa doqonimo, sidaas oo ay tahayna Madaxweyne is adkaynta iska daa, oo ku dadaal inaad sifooyinka hogaamiyaha muuminka ah yeelato”

Mar uu ka hadlaayey Ceel-afweyn ayaa yidhi “Somaliland arinta Ceel-afweyn si fiican ha ugu gurmato, Madaxweynuhuna karaamadii Shacabka ayuu huwan yahay, ee haddii uu dhawri waayo isaga iyo cidla ayaa is leh, Somaliland haddii la isleeyahay Ceel-afweyn ayey wax ka dhacayaan, meeshii ina buktaba waa nabar, aniguna ma aaminsani inuu jiro heshiis dhamaystiran inuu halkaas ka dhacay, rajadisana soo laabi maayo, oo Somaliland samir ayey heerkaas ku soo gaadhay,arinkaas Ceel-afweyn in badan buu inagu rafanayey ee inay Somaliland u gurmato ayaa loo baahan yahay, karamaadana Shacabka ayaa leh ee Madaxweynuhu inuu dhawro ayaan kula talinayaa, nabadu ma laangadhayso ee laba lugood oo ay isku taagto ayey leedahay, ee Madaxweynuhu nabad laangadhaysa ayuu ka taliyey, ee Odayaash ayuun buu fadhiga kaga kacaayey, ee imikana waxa laga rabaa inuu masuuliyadiisa iyo waajibka ka saaran uu ka guto, wuxuu ku balanqaaday ee ku waajahan Ceel-afweyna uu dhamaystiro”