Siyaasi Ka Qayb Galay Caleemo Saarkii Axmed Madoobe Oo Difaacay Ka Mid Ahaanshiisii Xisbiga Kulmiye

0

Agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase ayaa ka hadlay sifaha uu kaga qayb galay xafladii lagu caleemo saarayey madaxweynaha maamulka Jubbaland oo uu ka soo dhex muuqday.

Masuulkan oo hada ka tirsan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa difaacay ka qayb galka xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaanu yidhi “Anigu imika shaqooyinkayga gaarka ah ayaan ka shaqaystaa oo xaflada waxa igu casuuntay Jubbaland gaar ahaan madaxweynaha iyo kooxda la shaqaynaysay, aniguna waan ka qayb galay oo shakhsi ayaan ahaa oo cidna maan matalayn oo cid I soo dirtay ma jirto danahayga ayaanan u joogay oo sida marti sharafta kale ayaan uga soo qayb galay, dadweynaha fara badan ee baraha bulshada igala soo hadashayna intaas ayaan u cadaynayaa, “waxaanan hambalyeynayaa shacabka Jubbaland sida ay xafladooda u qabsadeen ee ay u doorteen Madaxweynahooda Axmed Madoobe oo ka mid ah asxaabta dawlad goboleedyada ugu dhaw somaliland e eay saaxiibka yihiin.”ayuu ilkacase oo u waramay somalicabletv.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu dawlada somaliland kula talinayo inay saaxiibo ku yeelato isbadal siyaasadeed uu sheegay inuu ka socdo dalka soomaaliya “”Inagu somaliland ahaan waxaynu nahay dawlad gaar ah oo ka madax banaan soomaaliya taasna inay dadku isku khaldaan maaha, waana in la fahmo in siyaasadii cusbayd ee soomaaliya ay isbadashay markaa somaliland waxaan kula talinayaa inay saaxiibo cusub ku yeelato waxa cusub ee socda, dhinaca kalana inaga Farmaajo cunaqabatayn ayuu ina saaray Jubbaland-na wuu saaray oo xagaasna isku qadiyad ayeynu ka nahay, dawlada Kenya iyo dublamaasiyiin kale ayaa yimid xaflada arintuna caleemo saar way ka waynayd waxaanay ahayd dhoolatuska soomaaliyada cusub ee dambe ee ay somaliland wada hadli doonaan somaliland nooca ay u eekaanayso saan saankeedii ayaa muuqday.”

Dhinaca kale mar la waydiiyey in ka qayb galka xaflada lagu caleemo saaray Axmed Madoobe ay saamayn ku yeelan karto ka mid ahaanshahiisa xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Waxba saamayn kuma yeelanayso waayo dadku iyaga oo xisbigooda ku jira ayey Talyaaniga, faransiiska, jabuuti iyo Ingiriiska tagaan halkaasna wax macno leh oo ku jiraa ma jiraan, waana inaynu saaxiibo iyo xidhiidho dublamaasiyadeed xodxodasho iyo arimo kale oo hoose jiraan.”

Sidoo kale Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase ayaa soo bandhigay fariin uu sheegay in madaxweyne ku xigeenka Jubbaland soo faray oo shacabka somaliland ku socota “Waxa kale oo ay I soo fareen oo madaxweyne ku xigeenka jubbalnad Maxamuud Sayid sheegay Faysal Cali waraabe oo soo hadlay oo hambalyeeyey shacabka Jubbaland iyaguna waxay inagu hambalyeeyeen sida fiican ee dadka somaliland ay caadifada iyo dareenka uga muujiyeen dhibtii uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyey Jubbaland markaa xisbigayga Kulmiye waxba ku yeelan mayso oo hadaan tago Kenya, Itoobiya ama jabuuti saamayn kumay yeelateen.”