Tiro dada o Ku Dhintay Doon Ku Degtay Jasiirada Lampedusa iyo qaaar laga badbadiyay

0

Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyootay kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel u dhow jasiiradda Lampedusa, sida ay maanta sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga.

22 qof oo kale ayaa badda laga soo bad-baadiyey.

Doontan siday muhaajiriinta ayaa rogmatay ayada oo doon ay leeyihiin ilaalada ay isku dayeysay inay muhaajiriinta kasoo qaado meel badda ah oo 10 km u jirta Lampedusa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Ilaada Xeebaha.

Doomo iyo diyaarado qumaati u kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaada Xeebaha Talyaaniga ayaa weli raadinaya dad la la’yahay.

Warbixino laga soo xigtay mas’uuliyiinta Sicily oo ay soo waceen muhaajiriinta ayaa sheegaya in qiyaastii in ka badan 50 qof ay saarnaayeen doonta.

Ururo aan dowli ahayn ayaa sheegay in ku dhowaad 30 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan sideed caruur ay suurta-gal tahay in la la’yahay.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 muhaajiriin ah ay illaa iyo hadda sanadkan dhinteen, ayaga oo ka isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub.

xigasho voa