Madaxawaynaha Jabuuti o Eedeyay Ururka Midowga Africa

0

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay tartanka u dhaxeeya wadanka Kenya eek u saabsan kursiga aan joogtada ahayn ee qaarada Afrika ku leedahay golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Madaxweyne Geelle ayaa waraysi uu siiyey VOA waxa uu ku sheegay in xidhiidh wanaagsani u ka dhaxeeyo wadanka Kenya kaas oo salka ku haya walaaltinimo labada wadan wadaagaan isla markaana aanu ku salaysnayn siyaasad.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu eedan u jeediyey ururka midawga Afrika kaas oo uu dhaliilay qaabka ay u wajaheen tartanka u dhaxeeya wadanka Kenya.

Madaxweyne Geelle oo ka hadlaya talaabooyinka ay midawga Afrika qaadeen ayaa waxa uu yidhi ”

”Qaladka ay galleen wadamada midowga Africa waxaan oran karaa wuxuu ahaa mid xaqa Jabuuti lagu luminayo oo la baalmarayo, waayo Kenya Labo jeer ayeey Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ku matashay Qaarradda, laakiin Annaga mar kaliya ayeey aheyd, sidaa daraadeed waxaan u arkey-nay cadaallad darro la sameeyay” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Wali waxaa taagan loolanka labada dowladood Jabuuti iyo Kenya ee la xiriira xubinnimada Kursiga Golaha Amaanka waxaana ay Jabuuti hadda taageero mug leh ka raadeysneysaa wadamada Carabta oo dhankooda taageero u muujinaya.