Dal Africa ah o Manta Laga Furay Masjid kamida Kuwa Caalmka Ugu Waawayn saladii jimcahn Lagu Tukaday

0

Waxaa maanta saaladdii ugu horreysay oo Jimco ah lagu tukaday misaajid weyn oo ku yaal caasimadda Senegal ee Dakar kaas oo ku dhawaad toban sanno uu socday dhismihiisa.

Waxaa lagu tiriyaa misaajidka ugu weyn galbeedka Afrika, waxaa uu misaajidka qaadaya 30,000 qof.

Madaxweynaha Senegal, Macky Sall ayaa lagu wadaa inuu furo munaasabadda lagu daahfurayo misaajidka.

Misaajidkan waxaa loogu magac daray ‘Massaalikul Jinaan’ oo micnaheedu yahay ‘Waddooyinka Janada’.

Wuxuu leeyahay shan minaaradood oo lagu dahaaray dahab, waxaana naqshadeeyay Injineer kasoo jeedo dalka Morroco.

Kharashka ku baxay dhismaha misaajidka ayaa la filaya inuu ka sare maro 32 Malyan oo doolar.

Waxaana dhisay dadka taabacsan ‘dariiqada Suufida ee Mouride’ ee dalka Senegal.

Dadka qaar ayaa rumeysan in dhismaha misaajidka uu astaan u yahay awoodda dhaqaale ee leeyihiin ‘xubnaha ka tirsan dariiqada Suufida ee dalkaas’.