Wasiirka Wasaarada Degaanka Somaliland o Markii Kowaad Ka hadshay Gor Gorka dad Cunka ah ,Fariina u Dirtay Ethiopia

0

Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay gorgorka dad cunka ah ee dhibaatada ka gaystay deegaano ka mid ah somaliland.

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in gorgoran dad qaadka ahi ka yimid wadanka Itoobiya.

Wasiir Shugri Baandare oo ka waramaysa gorgorkan ayaa waxay tidhi “Gorgorkani waa wax inagu soo kordhay oo cusub oo aan hore u jirin, anaguna baadhitaan ayaanu ku maqanahay oo xidhiidh aanu caalamka la samaynayna meelo badan wax laga soo sheegayo balse waa wax ku cusub wadankeena.”

Wasiir Shugri Baandare oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas raacisay “Dalka Itoobiya jaar weyn ayeynu nahay xuduud dheerna waynu wadaaagnaa, xuduudkaasna wax badan ayaa ka soo gudba oo xaga somaliland u soo talaaba waana laga yaabaa in xaga somaliland wax uga gudbaan laakiin inta badan xayawaanku dhinacooda ayuu ka soo gudbaa.”

Sidoo kale wasiir Shugri Baandare ayaa soo bandhigtay qorshaha uga yaala xukuumada “Wasaarad ahaan waxa qorshe nooga yaala inaanu dadka ka wacyi gelino oo aanu nidhaahno iska jira hadii sidan loo xaqiijiyey waana in caruurta la ilaaliyaa, mararka qaarkoodna waxa ka dhacda Ameerika iyo dalalka Afrikaba shimbir dadka dhirbaaxa iyada oo ay jiraan shimbiro badan oo marka ay ugaadhsanayaan dhirbaaxo badan ka gaadhsiiya si uu u wareero wixii uu ugaadhsanayo.”

Wasiirka deegaanka ayaa shaacisay in dawlada Itoobiya ay ku wargelin doonaan gorgoran dad qaadka ah “Shimbirkani waa mid inagu cusub oo xagaas ka yimid, waana shimbiraha jooga wadamada saxaraha ka hoose ama afrikada dhexe oo dhan ama bariga Afrika, Itoobiyana waxay leedahay xayawaan badan oo shimbiro ku jiraan, hadii uu Itoobiya inooga yimid sida aynu hada rumaysanahay oo uu dadkiina sidan u weerarayo waxay noqonaysaa inaynu wax ka qabano oo dawlada Itoobiyana u sheegno in hawshaasi jirto.”